Arbaco, August 08, 2007(HOL): Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in shir ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ay ka soo saareen cambaareyn ay u jeedinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo uu sheegay in ay dhibaato u geystaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in ay horay u soo saareen cambaareyn tan la mid ah, hayeeshee ay goosteen in ay mar kale ku celiyaan kadib markii ay sii kordheen xadgudubyada lagula kacayo dadka rayidka ah ee Muqdisho ku dhaqan.
“Maalin kasta ciidamadan waxay dilaan, xiraan isla markaana jir-dilaan dad aan waxba galabsan oo qaarkood ay guryahooda ka kaxeystaan, waxaa taas ka sii daran Ciidamo aan anshax lahayn oo ka amar qaata Dowladda Federaalka ayaa dadka dhac u geysta oo jeebabkooda kala baxa waxa ay heystaan”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in dhibaatada lagu hayo dadka Muqdisho ay ula muuqato aar-goosi Qabiil.
Wuxuu sheegay in dhibaatooyinka loo geysanayo aan looga hadlin sida uu u yiri shirka la sheegay in uu ka socdo Magaalada Muqdisho, “Shir ayaa la sheegayaa in uu ka socdo Magaalada Muqdisho, waxaana la yaabannahay in aan shirkaas lagu soo hadal qaadeynin dhibaatada Muqdisho taala”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in dadka ka qeybgelay shirkaas ay taariikhda xusi doonto, isla markaana maalin ay ahaato la is-warsan doono.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad waxaa uu si kulul u weeraray Madaxweynaha Puntland iyo Isimo ka socda Deegaanada Puntland oo dhawaan Muqdisho u yimid ka qeybgalka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, “Cadde Muuse xiligii Maxkamadaha Islamka wuxuu sheegay in ay ku soo duuleen Qabiilka Hawiyaha, isagoo weliba ogaa in Maxkamadihi Islaamk ay Soomaali u dhameyd, hadana wuxuu iska dhigaya nin Soomaalinimo wax ku raadinaya”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.
“Isimada Puntland ee ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta waxay u yimadeen dalxiis ee uma imaanin in ay ka hadlaan dhibaatada lagu hayo dadka Muqdisho sababtoo ah kama hadlin dhibaatadaas oo asalkeeda meesha ay ka socoto la ogyahay”ayuu mar kale yiri Maxamed Xasan Xaad oo carrabka ku dhuftay in ay cabashadooda u gudbiyeen Beesha Caalamka, isla markaana ay jawaab ka sugayaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






