13.2 C
London
Monday, November 10, 2025

MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF: “Inteena halkaan joogta waxaan hubaa inaan ka badannahay inta xun ee qaska ka wada magaalada Muqdisho”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, August 07, 2007(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta xeray siminaarki Tabeelayaasha 16-ka degmo Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta xarunta Dugsiga sare Booliska ee magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay siminaar kor loogu qaadayey aqoonta madaxda tabeelooyinka waaxyaha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.

 

Siminaarkan oo furmay Talaadadii la soo dhaafay ayaa waxaa ka qeybgalayey madaxda tabeelayaasha, kaas oo ay barayaal ka ahaayeen macallimiin sare, waxaana soo diyaariyay siminaarkan maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha G.Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Maxamuud (M.dheere) oo ugu horeyntii halkaas ka hadlay ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyay siminaarka, wuxuuna sheegay in mudadii uu socday ay madaxda Tabeelayaasha ku barteen daruus la xiriirta tiro koob qoys, arrimaha nabadaafada, qaranimada, maamulka, waxbarashada, bilicda magaalada, arrimaha nabadgelyada iyo qodobo kale oo badan, kuwaasoo uu sheegay in ka qeybgalayaashu si fiican ugu faa’iideysteen.

 

Guddoomiye Maxamed Dheere wuxuu sheegay in qorshaha dariseynta ee gobolka Banaadir uu yahay mid wax weyn ka taraya qorsyahaasha sugida amniga ee gobolkan, wuxuuna mahad naq gaar ah halkaas ugu jeediyay hey’addihii gacanta ka geystay suurtagelinta siminaarkaas.

 

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka KMG ah Md. Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) oo isagana halkaas kja hadlay ayaa ugu horeyntii u mahad celiyay maamulka Gobolka Banaadir, isagoo ku amaanay heerka xaga abaabulka dadka gobolka iyo qorshaha deriseynta, wuxuuna Wasiirku sheegay in guusha gobolka Banaadir gaaray ay tahay mid ay gaartay dowladda Federaalka.

 

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa isagana halkaas ka hadlay, wuxuuna sidoo kale maamulka gobolka ugu mahad celiyay qorshihii siminaarka, kaas oo uu tilmaamay inuu ahaa mid kor loogu qaadayey garaadka iyo biseylka hoggaamiyeyaasha tabeelooyinka, kuwaasoo uu ku tilmaamay iney yihiin dal jirayaal.

 

“Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxay la mid tahay madaxa oo kale, Madaxa waxaa ku yaala maskaxdii, dhegihii, indhihii, sanka iyo afka, muhiimada uu madaxa uu leeyahay noolaha dartiis ayaa Muqdisho loogu bixiyay magaalo madax, hadii ay degan tahay dalkoo dhan wuu degayaa, hadii ay xumaatana dalkoo dhan wuu xumaanayaa, sidaas darteed waa inaan ku dadaalnaa in Muqdisho ay nabad noqoto” ayuu yiri Prof. Geeddi oo dhanka kale amaan u soo jeediyay kooxda fanaaniinta ciidanka Booliska ee Heegan.

 

Ugu danbeyntii waxaa halkaas ka hadlay Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna salaan kadib mahad naq weyn u soo jeediyay maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo uu ku tilmaamay iney qaadeen tallaabooyin qiimo u leh dalka iyo dadka, wuxuuna Madaxweynuhu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay abaabulka qorshaha deriseynta ee min tabeele ilaa heer degmo.

 

“Xaruntan Dugsiga sare ee Booliska aniga iyo koox kale ayaa tababar noo dhamaaday kadib sanadkii 1957-kii naloogu dhaariyay in aan daacad ugu adeegno dalka iyo dadka, ilaa iyo hadana dhaartaas ayaan ku shaqeynaa, sidaas darteed madaxda tabeelayaasha ee tababarkan dhameystay waxaan kula dardaarmayaa iney si daacadnimo iyo howlgar ah ugu adeegaan umada Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf. “Inteena halkaan joogta waxaan hubaa inaan ka badanahay inta xun ee qaska ka wada magaalada Muqdisho, walaalayaal waa inaan garbaha is qabsanaa inteena wanaagsan ee daacadda ah, si aan ugu guuleysano kuwa u taagan xumaha” ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo dhanka kale ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u xeray tababarki madaxda tabeelayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).