13.2 C
London
Monday, November 10, 2025

Dagaal ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Tuulooyin hoos-taga Degmada Buur-Hakaba

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, August 07, 2007(HOL): Laba qof ayaa ku dhintay inta la ogyahay, tiro kale oo intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka dhacay duleedka degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay, halkaasoo ay ku dagaalameen beelo isku haysta dhul iyo ceel biyood.

 

Dagaalkaan oo u dhexeeyay laba beelood oo wada daga Degmada Buur-habaka iyo dhulka miyiga ah ee ku dhow ayaa laga baqo qabaa in dagaalkoodaan uu mar kale soo cusboonaado, inkastoo aysan jirin xilligaan wax dagaallo ah oo u dhexeeya labadaas beelood.

 

Isku hub urursi ayaa la sheegayaa inay ka jiraan deegaannada ay colaadda ka taagan tahay, waxaana wararka qaarkood ay tibaaxayaan in labada dhinac ay soo gaarayaan Malleeshiyooyin gacan ku siiya dagaalka u dhexeeya, iyadoo taasina ay si weyn uga niyad xumaadeed dadka deegaanka lagu dagaalamayo ku nool.

 

Haddaba, si xal loogu helo dagaalkaas, ayuu sheegay maamulka gobolka Bay inuu wado qorshe looga hortagayo in dagaalladaas ay noqdaan kuwo sooo cusboonaada, isla markaana ay ku lug yeeshaan beelo kale oo laga yaabo inay gacan-siiyaan beelaha ku dagaalamay deegaannada miyiga ah ee hoos taga Degmada Buur-hakaba.

 

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Degmada Buur-hakaba ninka lagu magacaabo Aadan Owkaarey,ayaa lagu soo warramayaa inay ku baxeen beelahaas ku dagaalamaya duleedka buur-hakaba, iyadoo laga rajo qabo inay xal u helaan khilaafkiisababay dagaalkaas.

 

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay dagaallo dhex maraan beelo wada daga Gobolka Bay, dhawaan ayayna ahayd markii laba beelood oo ka tirsan kuwa wada daga Gobolka Bay ay isku qabsadeen dhul bannaan oo ku yaalla duleedka Baydhabo, kaas oo markii dambe xal laga gaaray.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).