Talaado,
Xaafadaha degmada Huriwaa ayaa waxay ciidammadu diideen inay isticmaalaan gaadiidka iyo ddka socotada ah, iyadoo dadka lagu wargelinayay inaysan guryahooda kasoo bixin inta ay baaritaannada socdaan.
Dad badan oo deggen Degmada ay baaritaannada ka wadaan ciidammada dowladda iyo kuwa Itoobiy ayaa waxay ka xumaadeen xannibaadda ay kala kulmeen ciidammada, iyagoo sheegay inaysan maanta aadin goobahoodii shaqada iyo waxbarashada,
Dhanka kale, afar ruux oo la sheegay inay ahaayeen nin ganacsade ah iyo saddex ruux oo kala shaqeynayay Dukaan weyn oo uu ku lahaa xaafadda Caymiska ee Degmada Yaashiid ayay wateen ciidammada baaritaanka sameynayay.
Goobjoogayaal ayaa waxay xaqiijiyeen in dadkaas la watay aan la garanayn meel ay la aadeen ciidammadii watay, balse waxay wararka qaarkood sheegayaa in afartaas ruux la geeyay warshaddii hore ee baastada oo fariisin u ah ciidammada Dowladda Itoobiya ee Muqdisho ku sugan.
Ugu dambeyntiina, baaritaannada ayaa waxay yihiin kuwo socday maalintii saddexaad, waxaana baaritaannadaan ay noqonayaan kuwii ugu ballaarnaa ee ka socda Magaalada Muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in intii ay howlgalladaan socdeen ay ciidammadaas qabteen dad badan oo ay ku tuhmayeen inay ka dambeeyaan falalka nabadgalyo darrada ah ah ee ka jira Muqdisho, inkastoo meelaha qaarkood la sheegayo in ciidammadu ay dileen dad ay qabteen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






