13.2 C
London
Monday, November 10, 2025

Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta oo Guddi Culumaa’udiin ah u saaray Ka Doodista Qodobka Xag-jirnimada Diimeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, August 06, 2007(HOL): Ergooyinka ka qeybgelaya shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa maanta waxay doodeen qodob aad xasaasi u ah oo lagu soo daray Ajendayaasha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, kaasi oo ah Xag-jirnimada Diimeed.

 

Shiikh Cali Xaaji Yuusuf iyo Suldaan C/sharkuur Shiikh Xuseen oo ka mid ahaa ergooyinkii maanta ka hadlay qodobka ku saabsan xag-jirnimada diimeed ayaa waxay dureen in qodobkaas la soo hordhigo ergooyinka, si ay uga doodaan, wuxuuna Shiikh Cali Xaaji Yuusuf sheegay in Xagjirnimada diimeed aysan ahayn wax hadda in laga hadlo ay tahay, wuxuuna sheegay in Xagjinimada Diimeed aysan aqoon durugsan u lahayn Dadka Soomaaliyeed, sidaa daraadeedna aysan Soomaalidu ahayn kuwo ku kala tagsan xagga Diinta.

 

Shiikha waxaa uu eedeyn u jeediyay Ciidamada Dowladda Federaalka oo uu sheegay in ay Masjidyo Muqdisho ku yaala kala baxaan Dad Culumaa’udiin ah, kuwaasi oo lagu tilmaamay in ay yihiin dad xag-jiriin ah. Sidoo kalena Shiikh Cali Xaaji Yuusuf waxaa uu cambaareeyay kooxaha dilalka u geysta dadka masjidyada ka soo baxa, wuxuuna ku tilmaamay kooxahaas kuwo mujrimiin ah.

 

Intii ay socotay ka doodista qodobkan Xag-jirnimada Diimeed ayaa waxaa kale oo fikirkiisa dhiibtay Suldaan C/shakuur Shiikh Xuseen, kaasi oo sheegay in asalkaba magaca xag-jirnimada uu ka yimid madaxweynaha Mareykanka George W. Bush, wuxuuna tilmaamay in aan loo baahneyn in laga doodo oo lagu soo daro ajendayaasha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Guddiga maamulaya Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa kadib markii ay dheeraaday ka doodista qodobkaas waxaa uu magacaabay guddi aqoon durugsan u leh Diinta Islaamka, kaasi oo ka soo talo bixin doona qodobkaas ay ergooyinka isku mari waayeen.

 

Ugu dambeyntiina, Ergooyinka Shirka ayaa waxay u gudbi doonaan ka doodista Qodob kale oo ku saabsan qeybsiga Awoodda iyo Kheyraadka Dalka, waxaana la saadaalinayaa in qodobkan uu sidoo kale noqon doono mid isna culeyskiisa yeesha bacdamaa ay jiraan beelo ku doodaya in aan laga tixgelin awood qeybsiga dalka

  

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).