13.3 C
London
Monday, November 10, 2025

YUUSUF DABA-GEED: “Dadka wax qarxiya marnaba ma dhaafi doonno, haddii ayaga la waayana Ehelladooda ayaan xabsiyada ka buuxin doonnaa”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, August 06, 2007HOL): Guddoomiyaha Dowladda Federaalku u soo magacaawday gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) oo meel fagaaro ah kala hadlayay shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa si kulul uga hadlay arimaha amaanka iyo waliba xubnihii ka tirsanaa Maxkamadihii islaamiga ee ku sugan gudaha gobalka Hiiraan.

 

Yuusuf Dabageed oo siweyn loo dhageysanayay hadalka uu u jeedinayay shacabka ayaa sheegay in dad badani u heystaan in wali arimuhu yihiin sidii hore, lakiin loo baahan yahay in la ogaado in wax walba is badaleen islamarkaana maamulka uu gudoomiyaha ka yahay qaadi doono talaabooyin adag oo wax lagaga qabanayo arimaha nabad-galyada.

 

Dalka waxaa ka jira siyaasado dhowr ah oo ay kala hogaamiyaan Dowlada Federaalka iyo Maxkamadihii bur buray, Mar walbana waxaa haboon in lala jaan qaado wacyiga markaa jira, Waxaan la socnaa in ay jiraan shaqsiyaad wali xiriir la leh Maxkamadihii awoodooda la waaqiy, Anaga waxba u raacan meyno hadii dhinacooda amaan laga helo ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

 

Mar uu ka hadlayay gudoomiyahu arimaha la xiriir qaraxyada ka dhacay bilihii ugu danbeeyay qeybo ka mid ah  gobalka iyo madaafiic dhawaan ciidamada Itoobiyaanku ku rideen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada ayuu sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono kuwa qaraxyada geysta, Waan ognahay nooca ay yihiin kuwaa oo Xitaa waxaa la socnaa goobahooda ganacsi iyo xarumaha ay leeyihiin,  Marnaba ma dhaafi doono kuwaa iyaga ah  meel kasta oo ay tagaan, hadii la waayo waxaan soo xiri doonaa Eheladooda ayuu sheegay gudoomiyaha.

 

“Ciidamada Itoobiya halkan uma imaan in ay madaafiic soo ridaan ee yaan lagu qasbin in ay qaadaan tallaabo ceynkaa oo kale ah ayuu intaa sii daba dhigay, isaga oo  intaa ku daray in hadii ay Ciidamada Itoobiyaanku  iskood u qaadaan talaabo nabad-galyada dhan ka ah maamulku la xisaabtami doono.

 

Hadallka gudoomiyaha cusub ee gobalka Hiiraan oo ahaa kii ugu adkaa ee uu jeediyo mas’uul ka tirsan maamulka gobalka Hiiraan ayeey dad  badani u arkaan hadii laga dhabeey mid soo afjari kara arimo badan oo quseeya nabad-galyada gobalka, waxaana in la xuso mudan in markii uu  la wareegay talada maamulka gobalka Hiiraan Gudoomiye Dabageed uu ku amaray Ciidamada in lala socdo dhaq-dhaqaaqa nabad-galyo ee watada isku xirta gobalada dhaxe oo mar marka qaar kooxo burcad ah ku wax yeeleeyaan dadka iyo gadiidka ku safra.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).