Axad,
“Ka hadalka in la furo oo la ballaariyo Baarlamaanka iyo Xukuumadda waa arrin siyaasadeed, ergooyinka shirka dib u heshiisiinta la isugu keenayna waa kuwo dhaqan oo aan siyaasad shaqo ku lahayn”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo sheegay in haddii ay ergooyinka ka hadlaan arrimaha Siyaasadda uu shirka ka ambanayo wadadii loogu talagalay in uu ku socdo.
Hadalka Maxamed Qanayare ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan guddiga maamulaya shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu ergooyinka u gudbiyay ajende ku saabsan Dowlad-wanaaga, kaasi oo ay ku soo dareen qodob ku saabsan in laga hadlo sidii wax looga bedeli lahaa qodob ku qoran Axdi Qarameedka u degsan Dowladda Federaalka, kaasi oo dhigaya in Xubnaha gelaya Golaha Wasiirrada kaliya laga qaadan karo gudaha Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed oo ergooyinka qodobakaas kala hadlayay ayaa sheegay in shirka uu u gudbayo qodob ku saabsan Dowlad-wanaaga, isagoo ergooyinka u qishay in ay ka doodaan in xubnaha gelaya Golaha Wasiirrada ay ka imaan karaan gudaha baarlamaanka iyo banaankiisa, “Waxaad ogtihiin waxaa Xukuumadda banaanka ka ah Maskaxdii, Aqoonyahankii iyo Waxgaradkii Soomaaliyeed, marka waxaa la idinka rabaa in aad ka doodaan sidii qodobkaas wax looga bedeli lahaa, Xukuumaddana ay u geli lahaayeen dad aan Baarlamaanka ku jirin”ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed.
Sidoo kalena, qaar ka mid ah Ergooyinka shirka ka qeybgelaya ayaa waxay talo ku bixiyeen in dooda lagu daro in aaney xubnaha Xukuumadda ka mid noqon dadka heysta Baasaboorrada Ajnabiga ah iyo kuwa Xaasaskooda iyo Caruurtooda geystay Dibadda oo sida ay yiraahdeen aan ka damqaneynin dhibaatada ku dhaceysa Caruurka iyo Xaasaska ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe oo ka hadlayay furitaankii shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa labaduba waxay sheegeen in ay Dowladda Federaalka taageereyso wixii ay soo saaraan ergooyinka Shirka ka qeybgelaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






