Sabti,
Warkan oo uu HOL u xaqiijiyay gudoomiyaha degaanka Maxaas Aadan C/dule Cawaale ayaa sidoo kale sheegaya in dhab ahaan aan la ogeyn dhinaca ay ka soo galeen kooxaha wax weeraray maadaama deegaanka Maxaas uu daris la yahay deegano kale oo ka tirsan gobollada Gal-gaduud iyo Shabeelada Dhexe.
Gudoomiyaha cusub ee gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo ka hadlay warka ku saabsan dilka ka dhacay deegaanka Maxaas ayaa sheegay in marka uu gaaro Magalada B/weyne uu arintaas kala hadli doono dhinacyada ay khuseyso, waxaana uu intaa ku daray in kulan ay ku yeesheen Magaalada Jowhar gudoomiyaha gobalka Shabeelada dhexe ay uga wadda hadleen sidii loo soo afjari lahaa colaadda ka oogan deegaanada labada Gobol, sidaas oo kalena uu xiriir la sameyn doono mas’uulyiinta demada Ceel-buur ee Gobalka Gal-gaduud.
Falkan dilka ah ee ka dhacay deegaanka Maxaas habeennimadii xalay ayaa muujinaya in wali dhinacyadu ku qancin heshiis la dhex-dhigay beelihii horay halkaas ugu dagaalamay, waxaana xusid mudan in horaantii sanadkan dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Maxaas iyo Tuulooyinka ku xeeran ay ku dhinteen in ka badan 30 ruux, kuwaasi oo u badnaa dhinacyadii dagaalku dhex maray. Lama oga ilaa hadda waxa uu ka badali doono gudoomiyaha cusub xaaladaha colaadeed ee ka taagan qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan marka uu la wareego Xafiiska Maaamulka gobalka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






