Sabti,
Kooxaha hubeysan ee Guddoomiyaha dilay ayaa la sheegay in ay garaaceen albaabka guriga Guddoomiyaha, kadib markii laga furayna ay gudaha u galaeen, dabadeedna ay Guddoomiyaha ku toogteen.
Dad deris la ah Guddoomiyaha ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay ay wateen gaari ay u baxsadeen kadib markii ay dilka geysteen, waxayna intaas ku dareen in aysan wax iska caabin ah la kulmin.
Waa Guddoomiyihi labaad oo Degmada Yaaqshiid loo soo magacaabay, isla markaana la dilay, iyadoo horay loo dilay Muxyaddiin Xasan Xaaji oo Degmadaas Guddoomiye uga ahaa, sidoo kalena waxaa mar sii horeysay la dilay Guddoomiye ku xigeenkii Degmadaas Nuur Cilmi Faarax.
Horayna waxaa loo dilay Guddoomiyayaashii Degmooyinka Huriwaa, Howl-wadaag iyo Shibis, halka Guddoomiyaha Degmada Boondheere uu isna haatan dhaawac ahaan u yaalo Isbitaalka Keysaney kadib markii ay kooxo hubeysan weerareen xili uu ku sugnaa garoon Kubadda Cagta lagu ciyaaro oo Degmada Boondheere ku dhex yaala.
Kooxo hubeysan oo dhaqdhaqaaqyo ka wada Magaalada Muqdisho ayaa lagu eedeeyaa in ay Muqdisho ka wadaan iska caabin la mid ah tan ka socota Dalka Ciraaq, gaar ahaan Bambooyinka la dhigo hareeraha waddooyinka, qaraxayda is-miidaaminta ah iyo weliba dilalka loo geysanayo shaqaalaha Dowaldda Federaalka
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa xaalkeedu yahay mid aan xasilooneyn tan iyo wixii ka dambeeyay bishii Janaayo ee sanadkan, markaasi oo ay Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay taageerayaan Ciidamo Itoobiyaan ah ay xukunkii kala wareegeen maxkaamdihii Islaamka oo muddo lix bilood ah ka talinayay deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






