Jimco,
Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca Shiikh C/qaadir Soomow ayaa sheegay in aan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna lagu casuumin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, taasina ay u arkayaan mid ihaano ah.
Shiikh C/qaadir Soomow waxaa uu sheegay in Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ay yihiin kuwo door muhiim ah ku leh arrimaha xal u helidda mushkiladda Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in shirka dib u heshiisiinta laga qeybgeliyo, isagoo caddeeyay in aysan ahayn kuwo lagu yaqaano iska hor-keen iyo dhibaato abuur.
Wuxuu sheegay Afhayeenka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca in uu isagu ka qeybgalo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, hayeeshee uu shirka ku fadhiyo xubin sharafeed uu maamulka Gobolka Banaadir siiyay.
Guddiga Maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayuu Shiikh C/qaadir Soomow ku eedeeyay in aysan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ku casuumin Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, taasina uusan sheegin sabab ay ku dhacday.
Qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ayaa horay ugu eedeeyay Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed in ay shirka u ogolaadeen in ay ka qeybgalaan dad aaney soo xulan Duubabka dhaqanka Beelahooda, inkastoo Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta uu sheegay in uu arrintaas xal u helay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalaya ergooyin gaaraya 1,600 oo ergay oo ka kala socda Beelaha Soomaaliyeed, kuwaasi oo la isugu keenay sidii ay xal ugu heli lahaayeen mushkiladda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






