Khamiis,
Eric Laroche oo ah Isu-duwaha kaalmooyinka Bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay kadib markii uu booqday deegaano ay ku sugan yihiin dadkaas in dad gaaraya 250,000 ruux ay xaalad nolol xumo ah ku heysato deegaano magaalada Muqdisho duleedkeeda ah.
” In badan oo dadkaas ka mid ah waxay sheegeen in aysan Muqdisho ku laaban karin”ayuu yiri Eric Laroche oo intaas ku daray in dadkaas ay weli dareemayaan in xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho aysan xasilooneyn
“Hadda waxa aan sameyn karno waa in aan cadeynaa xaaladda ay dadkaasi ku sugan yihiin, waan la kulannay, hubaashiina waan awoodnaa in aan caawinno”ayuu mar kale yiri Eric Laroche oo ah Isu-duwaha kaalmooyinka Bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay.
Guillermo Bettocchi oo ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa isna sheegay in ay lagama maarmaan tahay in wax laga qabto baahida ay dadkaasi qabaan, ka hor inta aysan dib ugu noqon guryahooda, “waxaan halkan u joognaa in aan cadeyno baahida ay dadkani qabaan iyo waxa aan sameyn karno” ayuu yiri Guillermo Bettocchi.
Sabab la xiriirta
“Waxaan ka soo cararay xabadda iyo bambooyinka, waxaana qorsheystay in aan halkan sii joogo tan iyo inta ay magaalada Muqdisho nabad ka noqoneyso, ciidamada Itoobiyaankana ay ka baxayaan”sidaasi waxaa tiri Haweeney diiday in magaceeda la sheego.
Xoogag u daacad maxkmadihii Islaamka oo dhaqdhaqaaqyo hubeysan ka wada Magaalada Muqdisho ayaa lagu eedeeyaa in ay Muqdisho ka wadaan iska caabin la mid ah tan ka socota Dalka Ciraaq, gaar ahaan Bambooyinka la dhigo hareeraha waddooyinka, qaraxayda is-miidaaminta ah iyo weliba dilalka loo geysanayo shaqaalaha Dowaldda Federaalka.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa xaalkeedu yahay mid aan xasilooneyn tan iyo wixii ka dambeeyay bishii Janaayo ee sanadkan, markaasi oo ay Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay taageerayaan Ciidamo Itoobiyaan ah ay xukunkii kala wareegeen maxkaamdihii Islaamka oo muddo lix bilood ah ka talinayay deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






