Khamiis,
Wafdiga Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ku horeeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka iyo weliba maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo kadibna loo galbiyay dhinaca Madaxtooyada Villa Somalia.
Daqiiqado kadib ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka degtay diyaarad kale oo siday wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Puntland Jen. Cadde Muuse, kaasi oo ay xubnihiisa ka mid ahaayeen Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Yuusuf Gaagaab, waxaana wafdigaas sidoo kale loo sameeyay soo dhaweyn heer sare ah.
Qadar daqiiqado ah kadib ayaa hadana waxaa garoonkaas ka degtay Diyaarad kale oo siday Wafdi Isimo ah oo ka socday Gobollada Puntland, kuwaasi oo la sheegay in ay Muqdisho u tageen sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo booqasho dhowr cisho ah ku soo qaatay magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal ayaa intii uu ku sugnaa magaaladaas wuxuu soo xaliyay khilaafaadyo soo kala dhexgalay golayaasha Dowlad-goboleedka Puntland iyo weliba xiisad ka dhalatay lacago been abuur ah oo sicir barar ka dhalisay Deegaanada Puntland, iyadoo sidoo kalena uu Madaxweynaha ka qeybgalay sanadguuradii 9aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay maamul goboleedka Puntland.
Ujeedada booqashada Wafdiga Madaxweyne Cadde Muuse ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto sidii loo dhameystiri heshiisyo horay u dhexmaray maamul goboleedka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku saabsanaa sidii ay labada dhinaca isaga kaashan lahaayeen arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo ammaanka.
Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in la dejiyay Madaxtooyada Villa
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






