Khamiis,
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Gobolka Hiiraan Dacar Xirsi Xooshow ayaa sheegay in ay Saraakiil ka socota Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Deegaanka Janta-Kuundisho ay ka wada hadleen madaafiic ay ciidamadaas dhawaan ku garaaceen xaafado ka tirsan Magaalada Beledwene, ayna u sheegeen in ay xasuuq u geysteen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Dacar Xirsi Xooshow waxaa uu intaas ku daray in saraakiisha ay la kulmeen ay u sheegeen in lagu amray in ay madaafiic ku garaacaan xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho, halkaasi oo sida ay yiraahdeen loogu sheegay in ay joogaan dad dhibaato abuuraya.
“Waxaan isku af-garannay in ay faraha kala baxaan arrimaha gudaha Magaalada Beledweyne, waxaana u sheegnay in ay meesha keensatay Dowladda Federaalka, magaaladana ay joogaan Ciidamo ka amar qaata Dowladda” ayuu yiri Dacar Xirsi Xooshow.
Madaafiic ay Ciidamada Itoobiya ku garaaceen xaafad ka mid ah Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku dhintay afar ruux oo seddex ka mid ah ay hal qoys wada ahaayaeen, waxaana falkaas si weyn uga xumaaday dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Beledweyne.
Wada hadalka dhexmaray Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beemay iyadoo Ciidamada Itoobiya ay dhawaan dad ka kaxeysteen magaalada Beledweyne, isla markaana ay madaafiic ku garaaceen xaafado ka mid ah magaaladaas.
Dhanka kalena, Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku sii jeeda Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Daba-geed) oo sheegtay in Dowladda Federaalka ay dib ugu soo magacawday Gobolka, halka Xuseen Muxumed Maalin (Xuseen Ayax) oo hadda madax ka ah maamulka ka jira Gobolka Hiiraan uu isna sheegay in uusan aqoonsaneyn sheegashada Yuusuf Daba-geed.
Arriinta dhextaala labadan nin ee wada sheeganaya in ay Guddoomiyayaal ka yihiin Gobolka Hiiraan ayaa Golaha Guurtida Gobolka looga fadhiyaa in ay ku soo baxaan, isla markaana ay si sharci ah ku kala saaraan, waa inta aysan arrintu gaarin in ay Gobolka ka wada taliyaan Guddoomiyayaal is-barbar ordaya, taasi oo haddii ay dhacdo gobolka gelineysa xaalad fowdo ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






