12 C
London
Monday, November 10, 2025

Ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta oo bilaabay ka doodista Qodobo ku jira Axdi Qaramadeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco, August 01, 2007(HOL):  Ergooyinka ka qeybgelaya shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxay bilaabeen ka doodista qodobo ku jira Axdi Qarameedka u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay ka soo gudbeen ka doodista ka doodista Qodobada Xalinta Khilaafaadka, Nabadda iyo Hub iska dhigidda.

 

Guddoomiya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed  Cali Mahdi Maxamed oo ergooyinka la hadlayay ayaa sheegay in shirka uu u  gudbayo qodob ku saabsan Dowlad-wanaaga, wuxuuna Cali Mahdi ergooyinka u qishay in ay ka doodaan in xubnaha gelaya Golaha Wasiirrada ay ka imaan karaan gudaha baarlamaanka iyo banaankiisa, “Waxaad ogtihiin waxaa Xukuumadda banaanka ka ah Maskaxdii, Aqoonyahankii iyo Waxgaradkii Soomaaliyeed, marka waxaa la idinka rabaa in aad ka doodaan sidii qodobkaas wax looga bedeli lahaa, Xukuumaddana ay u geli lahaayeen dad aan Baarlamaanka ku jirin”ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed.

 

Sidoo kalena, qaar ka mid ah Ergooyinka shirka ka qeybgelaya ayaa waxay talo ku bixiyeen in dooda lagu daro in aaney xubnaha Xukuumadda ka mid noqon dadka heysta Baasaboorrada Ajnabiga ah iyo kuwa Xaasaskooda iyo Caruurtooda geystay Dibadda oo sida ay yiraahdeen aan ka damqaneynin dhibaatada ku dhaceysa Caruurka iyo Xaasaska ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.

 

Golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah xubno badan oo heysta baasaborro Ajnabi ah, kuwaasi oo la sheego  in ay yihiin kuwo labo Dal leh oo xiligii ay doonaan iska baxa xiligii ay doonaanna soo laabta.

 

Waxaa soo if-baxeysa in Ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay yihiin kuwo la doonayo in ay dib u eegis ku sameeyaan Axdi Qarameedka u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qudhiisa ay ka doodeen ergooyin ka qeybgalay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Kenya lagu qabtay intii u dhaxeysay sanadihii 2002 iyo 2004.

 

Dhanka kalena, buuq aan badneyn ayaa maanta wuxuu ka dhacay madasha shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed kadib markii xubno u hadlay Beesha Digil iyo Mirifle ay isku qabteen in ay cafinayaan Beelaha Hawiye iyo Daarood oo ay sheegeen in ay horay dhibaato ugu geysteen, inkastoo ugu dambeyntii ay isku raaceen in ay cafinayaan wixii dhibaato ahaa ee ay labadaas Beelood u geysteen.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo 15-kii bishan ka furmay Xaruntii Gaadiidka Booliska oo ku taala Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgelaya ergooyin ka badan 1000 Ergay, kuwaasi oo ka kala socda Beelaha Soomaaliya, hayeeshee waxaa qaadacay oo shirkaas in ay ka qeybgalaan diiday Maxkamadihii Islaamka, Qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye iyo weliba Xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah oo ku sugan magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).