11.1 C
London
Monday, November 10, 2025

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay in Xukuumadda Federaalka ay mudan tahay in loo abaal-gudo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 01, 2007(HOL): Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Mudanayaasha sida weyn uga soo horjeeda mooshinka la doonayo in lagula xisaabtamo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda uu ka tirsan yahay ay wax badan qabatay, isla markaana ay mudan tahay in loo abaal-gudo.

 

Salaad Cali Jeelle waxaa uu sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dadaal weyn u gashay sidii ay u xoreyn lahayd Baarlamaanka Soomaaliya, xili uu sheegay in  ay hareereeyeen Xoogagga Maxkamadihii Islaamka dabayaaqadii 2006, wuxuuna carrabta ku dhuftay in uu aad uga xun yahay in Xukuumaddii difaaceysay Baarlamaanka la yiraahdo waxba ma qaban, waana in ay kalsooni weydiisataa Baarlamaanka.

 

Salaad Cali Jeelle wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sidoo kale wax weyn ka qabtay sugidda ammaanka Dalka, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo uu carrabka ku dhuftay in Xildhibaano ka baqi jiray ay haatan tegi karaan.

 

Haddaba iyadoo Salaad Cali Jeelle uu sidaas leeyahay ayaa waxaa jira Xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo qaba fikir ka duwan kan Salaad Cali Jeelle, waxaana Xildhibaanadaas ka mid ah Caasha Axmed Cabdalla oo sheegtay in Xukuumadda uu waqtigii la siiyay in ay shaqeyso uu ka dhamaaday, isla markaana ay tahay in ay mar kale Baarlamaanka kalsooni weydiisato.

 

“Xukuumadda waxaa horay loo siiyay kalsooni muddo lix bilood ah, weyna ka dhamaatay, waxayna indho-adeyg ku shaqeyneysay muddo shan Bilood ku dhow, marka waa in ay Baarlamaanka kalsooni weydiisataa”ayay tiri Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla.

 

Laakin Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshin Baarlamaanka la hor-geeyay ee Xukuumadda Federaalka ka dhanka ah  ayaa wuxuu sheegay in uu qabo in Xukuumadda lala xisaabtamo hayeeshee la xisaabtankeeda uu noqdo mid loo maro qaab sharci ah, wuxuuna mid sharci darro ah ku tilmaamay mooshinka Baarlamaanka la hor-geeyay, “Ma jirto meel ay Axdi Qarameedka kaga qoran tahay in Xukuumadda lala xisaabtamo muddo lix bilood, waxayna taasi ahayd heshiis ay wada gareen Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, kaasi oo lagu xalinayay khilaaf soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka”ayuu yiri Maxamed Qanyare Afrax.

 

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddo todobaad ah seddex kulan oo ay yeesheen waxay isku mari la’ yihiin dood ku saabsan in Xukuumadda lala xisaabtamo iyo in aan lala xisaabtamin, waxayna mar kale dooddaas dib u sii amba qaadayaan maalinta berri ah, iyadoo kulankaasna uu ka qeybgeli doono Ra’iisal Wasaare Geeddi.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).