11.1 C
London
Monday, November 10, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in UN-ka uu Bah-dil ku hayo Dadka Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 31, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa Hay’adaha UN-ka ku eedeeyay in ay bah-dilaan Dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay madaxooda dhaqaale badan ku qaataan.

 

Maxamed Dheere oo ka hadlayay furitaanka Seminaar loo qabtay Madaxda Tabeelooyinka Waaxyaha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa wuxuu sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay noolaan doonaan, goor ay ahaatana lala xisaabtami doono Hay’adaha UN-ka, “Dadka Soomaaliyeed waa ku jiraan kuwo wax qora iyo kuwo wax aqriya, adduunka ayaana u gudbin doonnaa bah-dilka ay Hay’adaha UN-ka ku hayaan Dadka Soomaaliyeed”ayuu yiir Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay haatan Dowlad u dhisan tahay, taasi oo cagaheeda isku taageysa, isla markaana ka maarmi doonta kaalmooyin ay ka hesho Hay’adaha UN-ka iyo kuwa la shaqeysta, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Maxamed Dheere mar uu ka hadlayay arrimaha sugidda nabadgelyada magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in ay arrintaas meel wanaagsan mareyso, isla markaana ay dhinaca kale socdaan wada hadallo uu maamulkiisa la yeelanayo qaar ka mid ah beelaha Muqdisho ku dhaqan, kuwaasi oo ay kala hadlayaan sidii Muqdisho loo nabadeyn lahaa.

 

Dhanka kalena, waxaa furitaankii Seminaarkaas ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere, kaasi oo hadalkiisa uu ku saabsanaa baaq uu u jeediyay Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho, “Waan la soconnaa waxaa jira Odayaal Akhyaar ah oo doonaya in Soomaaliya ay xasilooni hesho, hadana aan awood u lahayn in ay wax ka qabtaan dhibaato ay geysanayaan Wiilashooda”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ugu baaqy Dadka Muqdisho in ay Dowladda ku gacan siiyaan sidii ay Amnigii iyo kala dambeyntii u soo celin lahayd.

 

“Dad waxgarad ah oo aan la kulannay ayaa marka aan weydiino sababta ay uga qeyb-qaadan la’ yihiin howlgallada nabadeynta ah waxay nagu yiraahdaan “waa nala dilayaa oo ma hadli karno, basle niyadda ayaan idinkala jirnaa”ayuu mar kale yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere.

 

Ugu dambeyntiina Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali oo faah-faahin ka bixinayay qaabka Madaxda tabeelayaasha degmooyinka gobolka Banaadir Seminaarka loogu qabanayo ayaa yiri “Madaxda tabeelayaasha degmooyinka gobolka Banaadir waxaa loo kala qeybiyay labo kooxood, kooxda A oo ka kooban degmooyinka Howlwadaag, Kaaraan, Heliwaa, Xamar Weyne, Shibis, C/Casiis, Xamar Jajab iyo Wardhiigley oo wadarta tirada uga qeybgaleysa Seminaarka ay tahay 1072 ayuu maanta u furmay Seminaarka, halka kooxda B ee labaad oo ka kooban degmooyinka Wada jir, Yaaqshiid, Hodan, Dharkinley, Boondheere, Shingaani, Waaberi iyo Dayniile oo wadarta inta ugu qeybgaleysa Seminaarka tahay 1066 ayaa iyana wuxuu seminaarka u furmi doonaan marka uu u soo dhamaado Kooxda A”.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).