11.1 C
London
Monday, November 10, 2025

Kulan uu yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu kala tegay iyadoo aaney ka soo bixin wax natiijo ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 31, 2007(HOL): Kulan ay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah ayaa kulankooda wuxuu ku soo dhamaaday buuq iyo fowdo, kadib markii ay mudanayaasha Baarlamaanka si shakhsi ah hadallo isugu weerareen.

 

Mudanayaaha Baarlamaanka ayaa waxay muddo todobaad ah ka doodayeen labo mooshin oo kala ah dardar-gelinta Howlaha Baarlamaanka iyo la-xisaabtanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Mooshinka ku saabsan la xisaabtanka Xukuumadda ayay si weyn ugu kala fikrad duwan yihiin Xildhibaannada, waxayna Xildhibaannada qaarkood qabaan in Xukuumadda lagala xisaabtamo wixii ay qabatay muddo lix bilood ka badan oo ay shaqeyneysay, halka kuwo kalena ay ku doodayaan in aaney jirin wax lagula xisaabtamo.

 

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Mudanayaasha qaba in aan Xukuumadda lala xisaabtamin ayaa sheegay in  aysan jirin meel Axdi Qaramadeedka u degsan Dowladda Federaalka ay  kaga qoran tahay in la xisaabtanka Xukuumadda loo tixraaco heshiisyo ay galeen Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in haddii Baarlamaanka uu la xisaabtamayo Xukuumadda aysan ahayn in uu dib u qooraansado heshiisyo ay galeen madaxda sare ee Dowladda Federaalka.

 

Xildhibaanada qaba in lala xisaabtamo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Cabdi Cabdulle Siciid Jinni Boqor, Cali Jeyte Cusmaan, Sareedo Maxamed Cabdalla, Seynab Maxamed Caamir, Caasha Axmed Cabdalla, iyo kuwo kale, halka Xildhibaano ay ka mid yihiin Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Qanyare Afrax, Salaad Cali Jeelle, Xuseen Carraale, Cumar Filish, Xasan Abshir Faarax iyo kuwo kalena ay qabaan in aan Xukuumadda lala xisaabtamin.

 

Haddaba intii ay socotay dooddii ay Xildhibaannada ka lahaayeen mooshinka ku saabsan in Xukuumadda lala xisaabtamo ayaa waxaa Hoolka Shirka Baarlamaanka ee Xaruntii ACD-da ka dhacay buuq iyo sawaxan kadib markii ay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ku buuqeen Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo jeedinayay hadal uu ku difaacayay Xukuumadda, waxayna taasi keentay in kulankii maanta la soo af-jaro.

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa markii uu baaqaas dhashay kadib wuxuu ku dhawaaqay in Kulankii Baarlamaanka uu xiran yahay, isla markaana ay Xildhibaanada dib isugu soo laabtaan maalinta Khamiista ah ee soo socota.

 

Ugu dambeyntiina, Kulankii maanta waxaa ka maqnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, kuwaasi oo saakay u amba baxay Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, si ay uga qeybgalaan xaflad lagu caleemo saarayo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bakool.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).