Talaado,
Weearaka xalay lagu qaaday Ciidamada Itoobiyaanka ayaan la ogeyn khasaare ka dhashay sabab la xiriirta in aan loo dhawaan karin halka ay joogaan Ciidamada Itoobiya, hayeeshee waxaa jiray Madaafiic dhowr ah oo lagu tuuray xeradii ay ku jireen.
Weerar kale oo la isugu adeegsaday hub culus iyo mid fudud ayaa lagu qaaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka kuwaasi oo ku sugnaa Isgoysyada Al-Baraka, Black Sea, Baar Ubax iyo Carwo Idko oo dhamaantood ku yaala Wadada 30-ka, iyadoo la xaqiijiyay dhimashada hal Askari iyo dhaawaca mid kale oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Iska horimaadkii xalay oo dhacay saqdii dhexe ayaa wuxuu argagax geliyay dadka degan nawaaxiga Xaruntii Gaashaandhigga ee haatan fariisinka u ah Ciidamada Itoobiya, kuwaasi oo dushooda la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa saakay waxay howlgallo baaris ah ka wadaan Wadada Warshadaha, iyagoo guryaha iyo goobaha ganacsi oo ay baarayaan ka raadinaya hub iyo waxyaabo qarxa.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ayaa xiliyada habeenkii waxaa ka dhaca weerarro lagu qaado fariisimada mas’uuliyiinta iyo Ciidamada Dowladda Federaalka, wuxuuna weerarkii xalay ku soo beegmay iyadoo habeennadii aynu ka soo gudubnay weerar xooggan lagu qaaday Ciidamo ka amar qaata Dowlada Federaalka oo ku sugan agagaarka Hotelka Guuleed ee Degmada Yaaqshiid iyo Hotelkii Folorenza ee Degmada Wardhiigley.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






