10 C
London
Monday, November 10, 2025

Waa Sidee Xaaladda Magaalada Beledweyne kadib weerarro Dad ku dhinteen oo xalay ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 31, 2007(HOL): Xaalada Magaalada B/weyn ayaa u muuqata mid degan kadib markii iska hor imaadyo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan habeeenkii xalay uu ku dhax maray gudaha Magaalada Maleeshiyo Beeleedyo iyo kuwa Ciidamada Itoobiya oo markii dambe Madaafiic ku soo riday qeybo ka mid ah xaafadaha Magaalada.

 

Waxaa caadi u shaqeynay guud ahaan goobihii ganacsiga oo habeenkii xalay dhamaan Albaabada laysugu dhuftay, iyadoo dhanka kalana gadiidka dad weynaha oo galinkii dambe markii ay rabshaduhu bilowdeen joogsaday hadda ay caadi u shaqeynayaan, Walow hadana meelaha qaar wali aad moodo in dadka shaki buuxa qabo.

 

Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan oo fariisin u ah Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka ayaa saakay lagu arkayaa Ciidamada Dowlada Itoobiya oo aad u hubeysay kuwaasoo ilaalo ka haya daafaha xarunta oo amaankeeda markii hore lagu ogaa in ay sugaan Ciidamada Booliska ee dowlada Federaalka, waxaana marka aad xaalada u fiirsato muuqanaya in uu jiro shaki Ciidamada Itoobiyaaka iyo waliba Mas’uuliyiinta Maamulku ka qabaan Nabad-galyada guud ee Magaalada B/weyn.

 

Madaafiicdii xalay ku soo dhacday qeybo ka mid ah xaafadaha Magaalada B/weyn ayeey wararku sheegayaan in ay jawaab u ahaayeen  weerar gaadmo ah oo lagu qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ku sii jeeday dhinaca xaruta Jante-guudisho, waxaana warku intaa ku darayaa in dadka ku dhintay Madaafiicdaa gaarayaan ilaa 4 Ruux oo labo ka tirsan ahaayeen Aabe iyo gabar yar oo uu dhalay halka 5 ruux oo dhaantood rayid ah dhaawac ka soo gaaray.

 

Marka la eego Qaraxyadii ugu danbeeyay ee ka dhacay qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan iyo weeraradii laysku qaaday habeekii xalay ayaa waxaa soo baxaya shaki buuxa oo dadku ka qabo in xaalku isku sii badalo mid intaa ka sii qota dheer, gaar ahaan marka la eego weerarada lagu qaadayo fariisimada Ciidamada Itoobiya oo markii hore dadka ku dhaqan magaalada B/weyn ku aheyd uun arrin dhag ka maqal ah.

 

ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Gobalka Hiiraan oo ku aadan falalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada B/weyn, lakiin waxaa jira warar hoos oo sheegaya in kulan aan la shaacin ay leeyihiin saraakiisha Nabad-galyada iyo kuwa Dowlada Itoobiya oo lagaga wada hadlayo waxyaabihii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).