Beled Weyne, Somalia
Isniin,
Weerarkan ciidamada Itoobiya ayaa salka ku haya weerara xalay lagu qaaday fariisanka ciidamada Itoobiya ee magaalada Beled Weyne.
Xiisadan dagaal oo wali taagan ayaa ka bilaabatay laba ruux oo shalay ciidamada Itoobiya loo gacangaliyey ayaga oo lagu eedeeyey in weerareen booyad biyaha u qaadda ciidmada Itoobiya. Waxay wararku intaa ku darayaan in jifadii ay labad nin ka soo jeedeen ay 24 saac u qabteen soo deynta labadaas nin oo ay jefadoodu sheegeen in aysan wax shaqo ah ku laheyn wareerkaas dhacay.
Magaalada Beled Beleweyn ayaa waqtigan xaadirka kala xirxiran oo ay xiisad colaadeed ka taagantahay wixii warar ah ee ku soo kordhana dib ayaan idiinku soo sheegidoonaa
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com






