10 C
London
Monday, November 10, 2025

Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, baaqna u jeedisay Beesha Caalamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, July 30, 2007HOL): Guddi 11 Xubnood ah oo ay Jaamcadda Carabta u saartay in ay ka hadlaan xaaldda dalka Soomaaliya ayaa gunaanadkii shirkooda waxaa ka soo baxay qodobo khuseeya arrimaha dalka Soomaaliya.

 

Xubnaha Guddigan oo ku shiray Xarunta Ururka Jaamcadda Carabta ee Magaalada Qaahira ayaa qodobada ay soo saareen waxaa ka mid ah in Jaamacadda Carabta ay taageero dhaqaale iyo mid logistic ah ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay u soo celiso hay’adihii dowliga ahaa, in Jaamacadda Carabta ay Ciidamo u dirto Soomaaliya, kuwaasi oo ka qeybqaadanaya sugidda Nabadgelyada Soomaaliya iyo in ay cambaareynayaan Kooxaha Weerarrada iyo Qaraxyada ka geysta Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay ku tilmaameen Nabad-diidayaal.

 

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mr. Caamir Muusa oo kulankaas ka qeybgalay ayaa isna wuxuu soo dhaweeyay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Beelaha Soomaaliyeed uga socda Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in uu shirkaasi yahay mid looga hadlayo midnimada iyo nabadeynta dalka Soomaaliya.

 

Caamir Muusa waxaa uu boggaadiyay hadal ay dhawaan sii daayeen Guddoomiyaha Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo ku xigeenkiisa Cali Mahdi Maxamed iyo Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen, kaasi oo ahaa in ay shirka dib u heshiisiinta ku casuumayaan xubnaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ee isugu jira Maxkamadihii Islaamka iyo Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah.

 

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta wuxuu intaas kadib baaq u diray Wadamada Beesha Caalamka iyo Ururrada Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD in ay dadaalkooda isugu geeyaan sidii ay u taageeri lahaayeen dadaallada dib u heshiisiineed ee haatan ka socda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo caddeeyay in haatan ay jirto fursad xal loogu heli karo mushkiladda dalka Soomaaliya.

 

Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socda waxaaa horay u taageeray Dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub, kuwaasi oo sheegay in shirkaasi uu yahay mid ay ka soo baxaan wax ay dadka Soomaaliyeed uga gudbaan colaaddii mudada dheer u dhaxeysay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeybgalkiisa qaadacay Maxkamadihii Islaamka, Xubnaha la baxay baarlamaanka xorta ah iyo qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye oo sheegay in shirka uu yahay mid aan loo hadleynin khilaafaadyada Siyaasadeed, halka maxkamadihii Islaamka iyo Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ahna ay sheegeen in aysan ka qeybgeleynin shirkaas tan iyo inta ay Soomaaliya ku jiraan Ciidamada Itoobiya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).