10 C
London
Monday, November 10, 2025

Odayaasha Beelaha Hawiye ee ka soo horjeeda Qaabka loo qabtay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo eedeyn u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, July 30, 2007HOL): Odayaasha Beelaha Hawiye ee ka soo horjeeda qaabka uu u socdo Shirka dib u heshiinta Soomaaliyeed ayaa eedeyn u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dad kala baxday Masjidyo, Dugisyo Waxbarasho iyo Isbitaallo.

 

Guddoomiyaha Golaha Midnimada iyo Dhaqanka Beesha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay dad dhaawac ah kala baxeen Isbitaallo Muqdisho ku yaala, sidoo kalena ay Masjidyo iyo Dugsiyo waxbarasho oo Muqdisho ku yaala ay dad ka kaxeysteen, kuwaasi oo haatan ku xiran xabsiyo ay Dowladda Federaalka leedahay.

 

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu intaas ku daray falalka dadkaas lagu kacay ay yihiin kuwo ka dhan ah bani’aadannimada, wuxuuna Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay joojiso falalka ay kula kaceyso goobaha xurmada leh ee ay dadka ku cibaadeystaan, lagu daweeyo ama ay wax ku bartaan.

 

Dhanka kalena, Odayaasha Beelaha Hawiye waxay beeniyeen hadal uu shaaciyay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen, kaasi oo ahaa in Wafdi dhawaan booqday Xarunta Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed  oo Beesha Caalamka ka socday ay Odayaasha Beesha Hawiye uga sii hormareen garoonka Diyaaradaha Muqdisho markii ay dhoofayeen, si ay kulan ula yeeshaan.

 

Afhayeenka Dhaqanka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa hadalkaas waxba kama jiraan ku tilmaamay, wuxuuna sheegay in kulankaas oo ahaa mid uu wafdiga dalbaday uusan ka dhicin Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, balse uu ka dhacay Xarunta UNDP, wuxuuna intaas ku daray in ay u gudbiyeen mowqifkooda ku aadan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

“Waxay nagu yiraahdeen ka qeybgala Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, annaguna waxaan ku dhahnay Shir Soomaali u dhan tahay waan ka qeybgeleynaa, balse shir Dad gaar ah loo qabtay kama qeybgeleyno”ayuu yiri Axmed Diirye Cali.

 

Ugu dambeyntiina, Odayaasha Beesha Hawiye ee diidan ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa waxay mar kasta sheegaan in ay shirka ka qeybgelayaan haddii laga dhigo mid looga hadlo khilaafaadyada siyaasadeed,  bacdamaa sida ay yiraahdeen aaney jirin Beelo Soomaaliyeed oo khilaafyo u dhaxeeya laga heshiisiinayo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).