
Axad,
Kulankii maanta oo ay fadhiyeen 205 Mudane, isla markaana uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayay mudanayaashii fikirkooda dhiibtay ku kala aragti duwanaayeen mooshinka la soo gudbiyay, iyadoo Xildhibaanada qaarkood ay ku doodeen in ay tahay in lala xisaabtamo Xukuumadda oo aan waxba qaban muddo 7 bilood ah oo laga soo gudbay, halka kuwo kale oo Xukuumadda difaacayayna ay sheegeen in ay wax wanaagsan qabatay.
Xildhibaanada qaba in lala xisaabtamo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Cabdi Cabdulle Siciid Jinni Boqor, Cali Jeyte Cusmaan, Sareedo Maxamed Cabdalla, Caasha Axmed Cabdalla, iyo kuwo kale, halka Xildhibaano ay ka mid yihiin Muuse Suudi Yalaxow, Xuseen Carraale, Cumar Filish, Xasan Abshir Faarax iyo kuwo kalena ay qabaan in aan Xukuumadda lala xisaabtamin.
Magaalada Baydhabo oo ay haatan ku sugan yihiin Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa wararka naga soo gaaraya waxay sheegayaan in Mudanayaasha loo qeybiyay lacago gunno ah oo dhowr bilood ka maqnaa, waxaana la rumeysan yahay in sababta ay Xildhibaanada intaas la eg Baydhabo u tageen ay tahay in ay lacagtaas soo qaataan oo markaasina aysan ahayn in ay Xukuumad la xisaabtamaan ama ay ka soo horjeestaan la xisaabtankeeda.
Haddaba markii la isku mari waayay dooddii maanta ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Madoobe sheegay in doodda la isugu soo laaban doono maalinta Talaadada ah ee soo socota, halkaasina laga sii amba qaadi doono.
Dhanka kalena, saacadaha soo socda ayaa la filayaa in uu Magaalada Baydhabo tago Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo maalmihi tegay ku sugnaa Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kulamo kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Mr. Bernard Kouchner, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Prof. Alpha Omer Konnare, kuwaasi oo ay isla soo qaadeen arrimaha Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






