8.9 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Qado Sharaf loo sameeyay Halyeeyo Soomaaliyeed iyo Ciyaarihii ugu dambeeyay ee Eurosom 2007

- Advertisement -spot_imgspot_img


Sabti,
July 28, 2007(HOL): Waxaa qado sharaf aad loo agaasimay oo ay goob joog ka ahaayeen dhamaan aabayaashii isboortiga Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Ururweynaha KANAVA iyo EuroSom.

 

Xafladan oo  aheyd mid jawi wanaagsan ku bilaabatay ayaa waxaa ugu horeeyntii ka hadlay guddoomiyaha qabanqaabadda ciyaaraha Mudane Abdulqaadir Hadaafow oo ka mahadceliyey sida sharafta leh oo ay uga ogolaadeen marti sharaftii inay ka soo qaybgalaan xafladan sharafta leh.

 

Waxaa kadib hadalkii qaatay oo uu ku soo wareejiyey maamulka martida loo yahay ee ciyaaraha waa Gudiga EuroSom oo uu goobjoog ka ahaa ku simaha gudoomiyaha EuroSom Mudane Hassan Muuse, wuxuuna u mahadceliyay dadkii soo qabanqaabiyey xafladda, wuxuuna kadib ku soo dhaweeyay cod-baahiyaha Guddoomiyaha Guddiga Olympikada Soomaaliyeed Mudane Abdulkadir Gacal Abkow, “Isboortigu wax ma dumiyo ee wax buu dhisaa”ayuuna yiri Abkow oo la dardaarmayay dhamaan qeybaha kal duwan ee isboortiga Yurub.

 

Sidoo kale waxaa xafladda ka hadlay Nuur Xuseen Cabdi (Nuur Jeenyo oo ka mid ah halyeeyada Isboorti ee Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in ay ammaan mudan yihiin Guddiyada Isboorti ee ka jira Qaaradda Yurub, wuxuuse kula dardaarmay in ay xeerar iyo hab-dhaqan wanaagsan u sameeyaan tartamada Isboorti ee ay qabanayaan, si ay meesha uga soo baxaan ciyaaro leh shuruuc lagu kala dambeeyo.

 

Xafladan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxda ugu sareeysa isboortiga Soomaaliya iyo mas’uuliyiin sar sare oo ay ka mid ahaayeen madaxii garoomada iyo hotelkii isboortiga Mudane Isoomareey, waxaa kaloo joogay Gudoomiye ku xigeenadda Olympikada Soomaaliyeed ee arimaha dibadda iyo Horumarinta Duran Farah iyo Bashiir Fox, Xoghayaha guud ee Olympikadda Soomaaliyeed Abdulahi Tarabi iyo marti sharaf kale  oo nooga timid Dalka Sweden kuwaasi oo  ay ka mid ahaayeen Sacad, Abdi Cadde, Kabtankii xulka kubadda Cagta kabtan Shaash, Aabaha isboortiga Finland Bashiir Abdi Daahir, iyo gudoomiyaha Kanava ee Muqdisho.

 

Kanava (Finland) Vs Waaberi (England)

 

Ciyaar ay dad badan u soo daawasho tageen ayaa waxaa ay isaga horyimaadeen kooxaha Kanava (Finland) iyo Leicester (England). Ciyaartan ayaa jawi aad u wanaagsan ku bilaabatay.

 

Mar aan ciyaarta ka hor wareysi la yeeshay macalimiinta kooxda kanava oo kala ah Maxamed Atlantiz iyo Macalin Jaango’an ayaa Atlantiz waxaa uu ii sheegay iney soo bandhigayaan ciyaar dadweynaha ay ka helaan, macalinka ayaa waxaa uu intaas ku darey iney kooxda Waaberi ay yihiin dhalinyaro yar yar oo mustaqbalka ku leh ciyaaraha EuroSom.

 

Ka dib waxaa bilaawdey bilaabatay ciyaartii, ciyaartaas oo aheyd mid aad u degan ayaa ciyaartoydii waxaa soo bandhigeen ciyaar wanaagsan, gabagabddii ciyaartan ayaa waxaa ay ku soo gabagaboowdey 2gool Waaberi iyo 1 gool Kanava.

 

Macaln Jaan iyo Atlantiz ayaa waxaa ay gabagabdii ka bixiyeen war saxaafadeed oo ay noo sheegeen sababta looga badiyey, waxaa ayna ku bilaabatay ”bilowgii ciyaarta way adkeyd sidii aan ula qabsan laheyn,lakiin qaybtii labaad waxaa ay kuadda gacanta u jirtey kooxda Kanava, waxaan oran karnaa nasiibka ayaa na diidey”.

 

Sidoo kale waxaa aan wareysanay macalin Shardi oo ah macalin da’yar waxaana uu ii sheegay sanadkan iney soo diyaar garoobeen oo ayna rajo weyn ka qabaan iney guul weyn ka keenaan ciyaaraha sanadkan inaga oo ku xisaabtamayna dhalinyaradan da’da yar ee aan wadano.

 

Ciyaartii labaad ayaa waxaa ay dhexmartay labakooxood oo iyagan aan ka liidan kuwan aan horey u soo sheegnay, ciyaarahan ayaa waxaa hadda ay marayaan qaybihii ugu adkaa ciyaartan ayaa waxaa ay dhexmartay Birmingham (England) iyo Gothenburg (Sweden).

 

Ciyaartan ayaa waxaa ka dhexmuuqdey ciyaaryahano caan ah oo qaran iyo kooxaba ka soo cayaaray, waxaan ka xusi karnaa C/Raxiin Faakte iyo Yariisow,

Ciyaartan ayaa waxaa ay kama danbeystii kusoo gabagaboowdey 1 gool Birmingham iyo 2 gool Gothenburg.

 

Al-Hijra (England)  Vs Kik (Denmark).

 

Ciyaartan ayaa waxaa iyana u soo daawashatagay dad weyne aad u tirabadan iyo marti sharaf kalaba, ciyaartan oo aheyd ciyaar xiiso badan ayaa waxaa labadda kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar dadweynihii daawanayey ay kawada heleen. Ciyaartan ayaa waxaa ay ugu danbeyntii kusoo gabagaboowdey 2 gool Al-Hijra halka Kik waxba ka dhalin.

 

Hirda (Holland) Vs OO Leicester (England)

 

Waxaa ciyaartii labaad ay dhexmartay kooxaha Leicester (England) iyo Hirda (Holland), ciyaartaas ayaa dadweynahii u soo daawasha tegey ay filayeen in kooxda Leicester ay ciyaar wanaag muujin doonaan, balse waxaa ka hor yimid kooxda hirda oo aan weli laga badin, kooxdan ayaa waxaa macalin u ah Kabtan Shaash.

 

Ciyaarta ayaa waxaa ay aheyd ciyaar wanaagsan oo ay labadda kooxood weerar iyo weerar celis ka dib ay ku dhamaatay 5 gool Hirda (Holland) halka dhalinyarada yaryar ee Leicester ciyaarwanaagooda ay dhaafiwaayeen 2 gool.

 

Gudoomiyaha kooxda Leicester mar aan wax ka weydiiyey maxaa qabsadey dhalinyaradii yaryareyd ee ciyaar wanaaga muujisay ayaa Guddoomiye Saney waxaa uu ii sheegay in ay ka dhaawacnaayeen ciyaartoy badan. kuna qanacsanahay todobadda dhibcood ee aan leenahay.

 

Yuusf Yuusuf oo ka mid ah kooxda Hirda ayaa waxaan wax ka weydiiyey ciyaartii maanta ayaa waxaa uu iigu jawaabey ”Iney aad ugu faraxsanyihiin guulaha aan ka gaarney horyaalka EuroSom ee sagaalaad ee sababteedana tahay isku xirnaanta kooxda iyo taageerayaasha badan ee aan ku leenahay garoonka”.







 Waxaa Warbixintan noo soo diray

Abdiaziz Godah

agodah@hotmail.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).