8.9 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo u kala dhoofay Magaalooyinka Garowe iyo Addis Ababa

- Advertisement -spot_imgspot_img


Jimco, July 27, 2007HOL): Waxaa maanta ka amba baxay Magaalada Muqdisho madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, iyagoo u kala duulay Magaalooyinka Garowe iyo Addis Ababa oo ka kala tirsan Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa wuxuu gaaray magaalada Garowe ee xarunta u ah maamulka Puntland, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Jen. Cadde Muuse iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada.

 

Madaxweyne Yuusuf oo booqashadiisa ay qaadan doonto muddo seddex maalmood ah ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda maamulka Puntland, iyadoo ay isla soo qaadi doonaan arrimo ku saabsan sii xoogeynta iskaakiga u dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka, iyadoo la ogyahay in maamulka Puntland uu Dowladda Federaalka ka taageero dhinacyada Siyaasadda, Ammaanka iyo Dhaqaalaha.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo markii uu gaaray magaalada Garowe hadal u jeediyay dadkii soo dhaweeyay ayaa wuxuu ugu baaqay in ay midnimadooda iyo wada-jirkooda ka shaqeeyaan, isagoo carrabka ku dhuftay in ay lagama maarmaan tahay in la xaliyo mushkilado beryahan ka soo cusboonaaday qaar ka mid ah deegaannada uu ka taliyo maamulka Puntland.

 

Mar uu madaxweynaha ka hadlayay Ammaanka Dalka Soomaaliya, gaar ahaan kan Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in 7-dii bilood ee laga soo gudbay ay jireen xaalado amni darro ah, hayeeshee ay haatan amni-darradaas sii yaraaneyso, isagoo carrabka ku dhuftay in dadka Soomaaliyeed badankiis uu nabaddii qaatay marka laga reebo sida uu u yiri inyar oo lacag la siiyo lagu howlgeliyo.

 Sidoo kalena, Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa isna u amba baxay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Ra’iisal Wasaaraha oo intii uusan ka amba bixin magaalada Muqdisho Wariyayaasha la hadlayay ayaa wuxuu sheegay in uu magaalada Addis Ababa kulan kula qaadan doono Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Mr. Bernard Kushner, kaasi oo sida uu yiri ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo weliba sidii ay Dowladda Faransiiska uga qeybqaadan lahayd dib u dhiska iyo xasilinta Soomaaliya.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sidoo kale ka jawaabay su’aal ay Wariyayaasha ku weydiiyeen Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taasi oo ahayd sida uu u arkayo eeddo ay Xukuumaddiisa u soo jeediyeen Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo sheegay in Xukuumadda aysan ogoleyn in ay Baarlamaanka hor-tagto oo lala xisaabtamo, “Waa Sharci in Baarlamaanka uu Xukuumadda wax weydiiyo oo uu la xisaabtamo, Dastuurka ayayna ku qoran tahay, hayeeshee ma ahan in Xildhibaannada ay Idaacadaha ka hadlaan oo ay ka sheegeen wixii ay doonaan, waxaa laga rabaa Baarlamaanka haddii uu Xukuumadda la xisaabtamayo inuu u soo maro qaabka sharciga ah”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi oo arrin qalad ah ku tilmaamay in Idaacadaha lagala hadlo Xukuumaddiisa.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Socdaalka uu Ra’iisal Wasaare Geedi ugu amba baxay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalinta berri ah ay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ka doodi doonaan Mooshin lagula xisaabtamayo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ay horay u  sheegeen in uuba dhamaaday Waqti horay loo siiyay Xukuumadda Prof. Cali Maxamed Geeddi, haatanna Madaxweyne C/llaahi Yuusuf looga baahan yahay in uu soo magcaabo Ra’iisal Wasaare cusub.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).