Jimco, July 27, 2007HOL): Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya ee haatan ku sugan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa sheegay in aysan ka qeybgeleynin shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed oo ay ku tilmaameen mid aan natiijo ka soo baxeynin.
Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg) oo ka mid ah Xubnahaas ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in shirka Muqdisho ka socda uu yahay mid ku socda dhabihii uu ku guul-darreysan lahaa, sidaas darteedna wuxuu caddeeyay in aysan diyaar u ahayn in ay ka qeybgalaan.
Yuusuf Dheeg waxaa uu ka hadlay baaq uu Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed u jeediyay Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah iyo Maxkamadihii Islaamka, kaasi oo ahaa in ay ka qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta, wuxuuna Yuusuf Dheeg baaqaas ku tilmaamay mid lagu beer-laxawsanayo Shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Yuusuf Dheeg ku eedeeyay dan-ka-gelis la’aan ay kula dhaqantay Dadka ka soo horjeeda, wuxuuna sheegay in ujeedada ay shirka Dib u heshiisiinta u abaabushay ay tahay sidii ay dhaqaale uga heli lahayd Beesha Caalamka.
Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa Arbacadii aynu ka soo gudubnay waxaa uu ugu baaqay Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah iyo Madaxda Maxkamadihii Islaamka in ay ka soo qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, iyadoo Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen oo guddigaas u hadlayna uu caddeeyay in ay diyaariyeen tas-hiilaadkii ay xubnahaas u baahnaayeen.
Laakin labada dhinac ee uu baaqaas ku socday waxay si cad u diideen baaqa uga yimid shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in shirkaasi uu yahay mid aan looga hadleynin danaha Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntiina, 1-da Bisha September ee soo socota ayay madaxda Maxkamadihii Islaamka iyo Baarlamaanka xorta ah waxay sheegeen in ay shirweyne ku qabanayaan Magaalada Asmara ee Dalka
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






