8.9 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo beenisay Hadal uu shalay sheegay Ra’iisal Wasaare Geeddi

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, July 27, 2007HOL): Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa beenisay hadal uu shalay sheegay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa shalay mar uu ka hadlayay xaflad lagu furayay Xafiis ay leedahay Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay qabatay 5000 oo ruux oo watay Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, kuwaasi 480 ruux oo ka mid ah ay ahaayeen dad aan Soomaali ahayn.

 

Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo hadalkaas daba-taagneyd ayaa waxay sheegtay in warkaas uu yahay mid aaney waxba ka jirin, isla markaana aysan jirin dad tiradaas dhan oo qaatay Baasaboorka Soomaaliyeed, waxayna carrabka ku dhufatay in dad qaxooti ah oo is-dhiibaya aysan caqligal ahayn in ay Baasaboor qaataan.

 

Xildhibaanadda waxay sheegtay in ay xiriir la sameysay Dadka Soomaalida ee Qaxootiga ku ah Dalka Turkiga, isla markaana ay heyso caddeymo muujinaya in aaney jirin dad aan Soomaali ahayn oo Baasaboorka Soomaaliyeed qaatay, “ciddii u baahan waxaa loo helayaa caddeymo muuqaal ah oo muujinaya dadka ay Dowladda Turkiga heyso ee xeryaha ku jira”ayayna tiri Xildhibaanadda oo sheegtay in qofka uu sheegan karo jinsiydda uu doonayo balse isagoo qaxootinimo doonaya uusan Baasaboor sameysaneyn.

 

Xildhibaanadda ayaa mar ay ka hadleysay Baasaboorka cusub ee Soomaaliya loo soo sameeyay waxay sheegtay in uusan Baasaboorkaas sharci ahayn, isla markaana aan Baarlamaanka la soo marsiin, iyadoo intaas ku dartay in qiimaha Dadka laga siinayo Baasaboorka uu yahay mid aanu Baarlamaanka go’aamin, “Dadka Soomaaliyeed Taajir ha ahaadeen ama Faqiir ha ahaadeen waa isku mid, waxayna xaq u leeyihiin in ay qiimo isku mid ah ku helaan Baasaboorka, waxaan maqlay in Dadka Dalka Dibaddiisa jooga ay Baasaboorka ku heli karaan 200$, halka kuwa Dalka gudahiisa joogana ay ku helayaan 100$”ayay tiri Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo muddo labo bilood dib u dhigay isticmaalka Baasaboorka cusub ayaa sheegay in Baasaboorka cusub ee Soomaaliya loo sameeyay uu yahay  mid casri ah oo Dadka Soomaaliyeed u fududeyn doona safarrada ay dalka dibaddiisa ugu dhoofayaan, wuxuuna sheegay in ay Baasaboorkan aqoonsan yihiin 180 Dal oo caalamka ah, kuwaasi oo qaarkood xiriirro la soo sameeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaan lagu muransaneyn in Baasaboorkii hore ee Soomaaliya uu qiimo beelay kadib markii ay cid kasta iska sameysatay, xitaa wariyayaal Muqdisho u yimid in ay ka waramayaan, kuwaasi oo warbixinnadii ay Soomaaliya ka sameeyeen ku daray in qofkii doonaya uu daqiiqado gudahood ku noqon karo Muwaadin Soomaaliyeed, waxayna taasi dhacday kadib markii ay qiimo aad u jaban Suuqa Cabdalla Shideeye ee Bakaaraha ay wariyayaasha qaarkood uga sameysteen Baasaboorka Soomaaliyeed.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).