8 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Madaxa Maxkamadihii Islaamka oo ka jawaabay baaq ay u direen Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, July 26, 2007HOL): Maxkamadihii Islaamka ayaa jawaab ka bixiyay hadal shalay ka soo yeeray Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, kaasi oo ahaa in ay Madaxda Maxkamadihii Islaamka ka qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo hadalkaas ka jawaabay ayaa hadalkii ka soo yeeray Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed wuxuu ku tilmaamay mid aan wax macno ah sameyneynin oo la iska yiri.

 

Shiikh Shariif oo u waramayay Wargeysk Sharqul-Awsat ayaa wuxuu intaas ku daray in aanu khuseynin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socda, wuxuuna si cad u sheegay in aysan ka qeybgeleynin shirkaas tan iyo inta ay Ciidamada Itoobiya joogaan Soomaaliya.

 

Shiikh Shariif waxaa uu ku tilmaamay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed mid lagu shirqoolayo danaha Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay dadka in ay ka hortagaan shirqoolka loo maleegayo.

 

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen ayaa ugu baaqay madaxda Maxkamadihii Islaamka in ay ka soo qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in ay u diyaariyeen wax kasta oo tas-hiilaad ah oo ay u baahan yihiin.

 

“Horay ayaan ula xiriiray Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Prof. Ibraahim Xasan Caddow, waxaana ku niri ka soo qeybgala shirka dib u heshiisiinta, jawaabtii ay nasiiyeen-na waad maqasheen”ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Xuseen oo sheegay in ay mar kale ku celinayaan baaqooda ah in ay Madaxda Maxkamadihii Islaamka ka soo qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo 15-kii bishan ka furmay Xaruntii Gaadiidka Booliska oo ku taala Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgelaya ergooyin ka badan 1000 Ergay, kuwaasi oo ka kala socda Beelaha Soomaaliya, hayeeshee waxaa qaadacay oo shirkaas in ay ka qeybgalaan diiday Maxkamadihii Islaamka, Qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye iyo weliba Xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah oo ku sugan magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).