Khamiis, July 26, 2007HOL): Dowladda
Safiirka Dowladda
Intii ay socdeen wada hadallo uu Safiirka la yeeshay Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayuu ku sheegay in habka kaliya ee lagu xalin karo murannada u dhaxeeya dhinacyada Soomaalida uu yahay wada hadal.
Axmed Xamiid Cumar wuxuu amaanay dadaalka ay Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ku jiraan, isagoo xusay in Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay Muqdisho ku qabteen uu yahay midkii ugu horeeyay oo dalka gudahiisa lagu qabto tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa isna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadaalka ay waddo Dowladda Yemen, gaar ahaan Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax oo sida uu yiri aad u daneynaya in uu dib u soo noqdo nidaamkii iyo kala dambeyntii Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa la xusuustaa kaalinkii uu ku lahaa heshiisiintii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo kala hoggaaminayay labo garab oo ay u kala jabtay Dowladda Federaalka Soomaaliya markii ay Nairobi ka soo guurtay, iyadoo qeyb ay degtay Muqdisho, halka qeybta kalena ay degtay magaalada Jowhar.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






