8 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Guddiga Maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo baaq u diray Madaxda Maxkamadihii Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, July 25, 2007(HOL):  Guddiga Maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo maanta si gaar ah ula shiray Duubabka Dhaqanka ee ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay madaxda Maxkamadihii Islaamka in ay ka soo qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socda.

 

Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa maanta baaqaas u diray Madaxda Maxkamadihii Islaamka, “Horay ayaan ula xiriiray Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Prof. Ibraahim Xasan Caddow, waxaan ku niri ka soo qeybgala shirka dib u heshiisiinta, jawaabtii ay nasiiyeen-na waad maqasheen”ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Xuseen oo sheegay in ay mar kale ku celinayaan baaqooda ah in ay Madaxda Maxkamadihii Islaamka ka soo qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

“Waxaan leenahay ka soo qeybgala Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waa idiin diyaar Hotelladii aad degi lahaydeen, Gaadiidkii aad isticmaali lahaydeen iyo weliba ammaankiina”ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Xuseen oo intaas ku daray in madaxda maxkamadihii Islaamka haddii ay wax tabanayaan ay haboon tahay in ay Shirka yimaadaan, isla markaana ay soo gudbiyaan waxa ay doonayaan.

 

Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay kula  kulmayaan Madaxda maxkamadihii Islaamka meel kasta oo ay doortaan, hadana waxaa uu caddeeyay in ay aad u daneynayaan in ay shirka ka soo qeybgalaan, “Haddii ay doonayaan in Shirka Dib u heshiisiinta laga dhigo mid siyaasadeed shirka siyaasad waa looga hadlayaa ee haka soo qeybgaleen”ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Xuseen.

 

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in aan waxba lagu keeni doonin mucaaradnimo waqtigeedi laga soo gudbay, sidoo kalena aan waxba lagu keeneynin shir xiligan lagu qabto dalka dibaddiisa, isagoo dhinaca kalena carrabka ku dhuftay in aanu ogeyn inuu xiriir ka dhaxeeyo Kooxaha Qaraxyada ka sameeya Muqdisho iyo Maxkamadihii Islaamka.

 

Madaxda MaxkamadihiiIslaamka ayaa horay waxay u sheegay in aysan ka qeybgeleynin Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed tan iyo inta ay Soomaaliya ku jiraan Ciidamada Itoobiya, waxayna sheegeen in ay Soomaaliya imaanayaan iyaga oo ka xoreynaya cadawga ku soo duulay, waa sida ay hadalka u dhigeene.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo 15-kii bishan ka furmay Xaruntii Gaadiidka Booliska oo ku taala Degmada C/Casiis ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgelaya ergooyin ka badan 1000 Ergay, kuwaasi oo ka kala socda Beelaha Soomaaliya, hayeeshee waxaa qaadacay oo shirkaas in ay ka qeybgalaan diiday Maxkamadihii Islaamka, Qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye iyo weliba Xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah oo ku sugan magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).