Arbaco,
Wasiirka waxaa uu sheegay in ay hubinayaan waxa ka jira eedeymo Hay’adda horay loogu soo jeediyay oo sheegayay in ay raashinka mucaawinada ah keento xiliga ay beeraleyda goostaan dalagyadii ay beerteen, taasi oo keenta in ay tacabka Beeraha ka niyad-jabaan Beeraleyda.
Dr. Carraale waxaa uu sheegay in ay horay isu arkeen qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Hay’addaas, gaar ahaan kuwa ka howlgala Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka doodeen in ay Raashinka Mucaawinada ah keenaan marka ay baahida jirto, isla markaana aysan keenin xiliga uu Beeraleyda u soo go’ayo Dalaggii ay beerteen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa Hay’adda WFP horay ugu eedeeyeen in ay dadka u qeybiso raashin mucaawino ah oo dhacay, kaasi oo ay in muddo ah Bakhaarro ku heysay, isagoo dhowr jeerna ku cel celiyay in ay Hay’adda WFP ay u dhaqmeyso in aysan Soomaaliya Dowlad ka jirin oo kale.
Mas’uuliyiin u hadlay Hay’adda WFP oo wax laga weydiiyay eedeyntaas ayaa sheegay in warka Wasiirka uu yahay mid aaney waxba ka jirin, isla markaana raashinka ay qeybiyaan uu yahay mid tayadiisa wanaagsan oo aan dhacsaneyn.
SI kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adda WFP ayaa waxay raashin u qeybisaa dad kumaan kun ah oo ku macluulsan gudaha Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo isugu jira kuwo ay baro-kiciyeen Dagaallada iyo kuwo ay wax-tireen abaaro Dalka ka dhacay, hayeeshee tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Xeebaha Soomaaliyeed ka dilaaceen Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta qafaasha waxaa yaraaday kaalmooyinkii ay Dadka Soomaaliyeed gaarsiin jirtay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






