Arbaco,
Agaasimaha Waaxda Duulista Hawada ee
Dowladda
“Waxaa jirta baahi ay Dadka Soomaaliyeed u qabaan in ay kula xiriiraan Caalamka intiisa kale, waxaana hadda isku dayeynaa in aan taas u fududeyno”ayuu yiri Mutia Mwandikwa oo ah Afhayeen u hadlay Waaxda Duulista Hawada
Tan iyo markii ay Dowladda Kenya joojisay Duulimaadyadii dhinaca Soomaaliya uga imaan jiray ayaa waxaa jiray dad badan oo dhinaca Dhulka ka galay Dalka Kenya, inkastoo iyadana ammaanka Xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya aad loo adkeeyay wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ay ka awood roonaadeen Xoogagga Maxkamadihii Islaamka.
Soomaaliya ayaa ahayd mid fowdo ah tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Hoggaamiye kooxeedyo is-biirsaday ay xukunka ka tuureen Dowladdii Dalka ka jirtay ka hor sanadkii 1991-kii, kuwaasi oo iyana isaga soo horjeestay sababo la xiriira difaacidda danaha Qabiilkooda, inkastoo haatan ay dalka ka jirto Dowlad Federaalka oo dooneysa in ay soo celiso sharcigii iyo kala dambeyntii.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






