
Arbaco,
Tababarkan maanta la soo geba-gebeeyey maanta ayaa waxaa ka qeyb-qaadanaayey illaa 80-haween oo ka kala yimid sideed gobol oo kala ah Bay, Bakool, Gedo, Sh/hoose, Sh/Dhexe, J/hoose,J/Dhexe iyo Banaadir.
Tababarkan ayaa waxaa uu ku saleysnaa sare u qaadida aqoonta haweenka khilaaf xalinta, nabadeynta iyo weliba doorka ay ku leeyihiin haweenka dib-uheshiisiinta dalka.
Haweenkan oo ka kala yimid gobollo ka mid ah gobollada dalka ayaa kulankooda waxay iska dhex doorteen 8 xubnood oo gobolkiiba gabar laga soo xula, 8daas Xubnood ayaa iyana iska soo dhex dooranaya Guddoomiye iyo labo ku xigeen si markaasi haweenka 8-daas gobol isaga warqabaan ayadoo halkaasna Urur haweenkaas ay leeyihiin oo cusub oo lagu magacaabo Ururka Isku xirka Haweenka Soomaaliyeed uga dhawaaqay.
Seminaarkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Dallada Horumarinta

Abshir Maxamed nur (Mandela)
Baydhabo






