Arbaco,
Qaraxa oo ahaa Bambo nooca gacanta laga tuuro ah ayaa waxaa loola dan lahaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku sugnaa agagaarka Dhismaha Shirkadda Sigaarka ee Sportsman ee ku taala wadada koowaad ee Bakaaraha.
Dadka dhaawacmay ayaa u badnaa dad ku ganacsanayay oo isugu jiray Rag gaari gacmeedyo wax ku iibinayay iyo Dumar Shaah halkaas ku iibinayay. 10-ka ruux ee dhaawacantay ayaa dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu daweynayo.
Qaraxaas ayaa markii uu dhacay kadib ayuu jawigu ahaa mid degan, iyadoo aysan jirin wax rasaas ah oo ay rideen Ciidamada Dowladda, iyadoo horay ay Ciidamada Dowladda Rasaas u furi jireen markii Qarax lala beegsado, iyadoo rasaasta ay furaaana ay ku dhaawacmi jireen dad aan waxba galabsan oo goobahooda ganacsi iska jooga.
Axmed Saadaq Yuusuf oo ah goob-jooge ka dhawaa halkii qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay in uu indhihiisa ku arkay dadka dhaawaca ah ee loo qaaday Isbitaalka Madiina, isagoo carrabka ku dhuftay in ay jireen dad ay soo gareen dhaawac yar yar, kuwaasi oo xaafadahooda la aaday dhaawacyadii soo gaaray.
Laakin Ciidamo tiro badan ayaa daqiiqado kadib waxay isku gadaameen halkii uu qaraxa ka dhacay, iyagoo baaris kula dhaqaaqay goobihii ganacsiga ee u dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.
Ugu dambeyntiina, Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa seddexdii maalmood ee aynu ka soo gudubnay wuxuu ahaa mid xasiloon kadib markii uu 18 maalmood Suuqaas ahaa mid xasarado ka taagan yihiin oo aysan wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah jirin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






