10 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Qaramada Midoobay oo sheegtay in Toban Kun oo Soomaali ah ay ka barakaceen Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 24, 2007(HOL):  Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNCHR ayaa sheegtay in ay dad gaaraya Toban Kun oo Soomaali ah ay todobaadkii la soo dhaafay kaliya ka barakaceen magaalada Muqdisho, kadib markii ay naftooda u baqeen.

 

Hay’adda UNHCR waxay sheegtay in Dad horay Muqdisho uga barakacay oo dib ugu soo noqday ay danta ku kaliftay in ay mar kale ka cararaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba  in ay dhibaato ka soo gaarto Qaraxyada iyo iska hor-imaadyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.

 

“Qalalaasaha ka socda Caasimadda Soomaaliya ayaa waxay dadka ku xambaareen in ay guryahooda  ka cararaan, kuwa ka harayna waxaa ku adkaatay nolosha”ayuu yiri John Holmes oo ah Xiriiriyaha Gargaarka deg dega ah ee Qaramada Midoobay.

 

Hadal saxaafadeedka ay soo saartay Hay’adda UNHCR ayaa lagu sheegay in xaaladda nabadgelyo ee magaalada Muqdisho ay sii xumaaneyso xitaa iyadoo loo fadhiyo shir dib u heshiisiineed oo ay ku heshiinayaan Beelo Soomaaliyeed.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jirta Nabad yar tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ay xukunka kala wareegeen Maxkamadihii Islaamka, inkastoo ay dhacaan weerarro loo geysanayo Fariisimada Mas’uuliyiinta Dowladda, Qaraxyo, Iska hor-imaadyo iyo Dilal qorsheysan oo loo geysto dad Dowladda ku jira iyo kuwo aan ku jirin intaba.

 

Intii ay socdeen Dagaalladii Muqdisho ka dhacay bilihii Maarso iyo April ee sanadkan ayaa waxaa gudaha dalka Soomaaliya ku barakacay Dad ay Qaramada Midoobay ku qiyaastay 400,000 oo ruux, kuwaasi oo xaalad nolol xumo ah ay ku heyso meelihii ay u barakaceen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).