10 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Saldhigga Degmada Yaaqshiid oo xalay Bambooyin lagu weeraray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 24, 2007(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Weerarkaas oo ahaa mid loo adeegsaday Bambo Gacmeedyo ayaa waxaa ku dhaawacmay qaar ka mid ah Ciidamadii Saldhigga joogay, iyadoo kadibna ay dhacday is-rasaaseyn muddo 15 daqiiqo ah socotay, taasi oo dhexmartay Kooxihii wax soo weeraray iyo Ciidamadii Saldhigga joogay.

 

G/lle Dhexe Xasan Jiif-yare oo ah Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada  Yaaqshiid oo xaqiijiyay in ay weerarkaasi Askar kaga dhaawacantay ayaa sheegay in ay baacsadeen kooxihii soo weeraray oo uu sheegay in ay galeen xaafado Obasiibo ah oo ku yaala Degmada Yaaqshiid.

 

Markii weerarkaas dhacay kadib ayay Ciidamada Booliska Saldhiggaas oo kaashanayay Ciidamo u soo gurmaday waxay gebi ahaanba xireen waddooyinka Saldhigga soo gala, iyagoo dadka socotada ahna ku amrayay in ay gurayahooda ku xaroodaan.

 

Ugu dambeyntiina ma ahan markii ugu horeysay oo Saldhiggaas weerar ceynkan oo kale ah lagu qaado, waxaana jirtay in dhowr jeer oo hore Bambooyin lagu weeraray. Sidoo kalena Saldhigyada Booliska Degmooyinka Huriwaa, Kaaraan, Howl-Wadaag, Waaberi, Hodan iyo Wadajir ayaa iyana dhowr jeer la weeraray, iyadoo weeraradaasina la sheego in ay ka dambeeyaan kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).