10 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Maxaa iska bedelay Gobolka Hiiraan Mudadii uu Xilka hayay Inj. Xuseen Ayax?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, July 24, 2007(HOL):  Mar kale ayeey maqleen dhagaha shacabka ku dhaqan Gobalka Hiiraan Magacaabista Maamul cusub oo loo sameeyay Gobalka Hiiraan, waliba waxaa xusid mudan in mar kale wareegto ka soo baxday Xafiiska Madax-weynaha Dowlada Federaalka gudoomiye looga dhigo gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed markii hore Dowlada xilka ka qaaday.

 

Laakiin Inkastoo la oran karo hab maamulka Yuusuf Dabageed ma’aha mid ku cusub dadka Reer Hiiraan ayaa waxaa lasy-weydiin karaa su’aasha ah Maxaa Isbadalay matadii uu xilka hayay Gudoomiyaha Xilka laga qaaday ee Eng. Xuseen Mux’ed Maalin.

 

Marka la eego dhinaca Nabad-galyada Maamulkii Eng. Ayax waxaa la oran karaa kuma uusan guuleysan in uu wax badan ka qabto walow intii uu maamulkaa dhisnaa gobalka Hiiraan gaar ahaan duleedka Magaalada B/weyn ay fariisin ka sameysteen Ciidamo Itoobiyaan ah si wax badan looga qabto arimaha nabad-galyada,  waxaa dhacay Qaraxyo badan oo lagu weeraray Ciidamada Itoobiya, waxaa qeybo ka mid ah gobalka ka dhacay dagaalo saleysan Qabiil kuwaasoo dad badani ku dhinteen, taasoo keenta ugu danbeytii in Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee jooga duleedka Magaalada B/weyn ku eedeeyaan Maamulkiisa Wax ka qabasho la’aanta arimaha Nabad-galyo.

 

Dhanka kale arinta ugu daran ee khilaafka xoogga leh ka dhax abuurtay Isaga iyo waliba Mas’uuliyiintii kula jirta Maamulka ayaa la oran karaa waa tan cashuuraha oo marka laga soo tago khilaafka dhinaca Maamulka ee ka dhashay sidoo kale marar badan keentay in ay gadood ka sameeyaan Ciidamada dowlada ee ku sugan Gobalka kuwaasoo is hortaag ku sameeyay howlaha maamulka,  sidoo kale arinta ku saabsan Canshuuraha iyo waliba khilaafka ka abuurmay ayaa keentay in ay soo gaaraan gudaha Gobalka Xubno uu hogaaminayay R/iisul wasaare Geede oo ay ka mid ahaayeen Agasimayaal ka tirsan Bankiga dhaxe ee Dowladda.

 

Iyadoo arimhaas oo dhan ay jiraan ayaa  dhinaca kale waxaa xusid mudan gudoomiyaha Xilka laga qaaday Eng. Ayax in uu guulo ka soo hooyay arimaha la xiriira dhinaca Bulshada sida isaga oo ku guuleystay in uu furo Isbitaalka Gobalka oo mudo 8 sano ah aan lagu shaqeyn, taasoo dad badani u arkaan talaabo muhiim ah oo maamulku qaaday mutadii uu jiray.

 

Isbadalka mar kale ku dhacay Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ah mid muujineysa sida dowladdu isha mar walba ugu heyso wax qabadka Mas’uuliyiinta ay u soo magacaawdo Gobalka, kuwasoo mar walba jiritaankoodu ku xiran yahay sida ay uga shaqeeyaaan arimaha sida weyn dowladu indhaha ugu heyso.

 

Guddoomiyaha Cusub ee mar kale la magacaabay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa ah Mas’uul aan wax badan laga aqoon hab dhaqankiisa Maamul, maadaama markii la soo magaacabay kol hare mado gaaban ka dib taladii ay kala wareegeen Maxkamadihii laga adkaaday, waxaana uu xiligaa u baxsaday dhinaca Itoobiya,  halka markii dib dowladu ula wareegtay gacan ku heynta in badan Gobalada dalkana laga qaaday xilkii uu hayay,  waxaase loo jooga wax uu ka qabto Mas’uulka Cusub arimo badan oo la oran karo waa uu ku guul-dareytay Maamulkii ka horeeyay, gaar ahaan Arimaha Nabad-galyada iyo waliba Canshuuraha.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).