10 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Ciiddamadda Nabadsugidda Dowladda Federaalka oo xabsiga dhigay Wariye u shaqeynayay Idaacadda Somaliweyn ee Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, July 23, 2007HOL): Ciiddamadda Nabadsiugidda DFKMGS, ayaa waxay maanta xarig u geysteen Weriye  Maxamed Xasan Maxamed “Pakistan” oo ka mid ah Weriyayaasha Idaacadda Somaliweyn, xilli uu Weriyuhu Warar ka soo tebinayey Madasha Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia oo maalintiisii shanaad ka socda magaalladda Muqdisho.

 

Weriye Maxamed Xasan Pakistan waxay Ciiddamadda NSS-ta ee ku sugan madasha Shirka qabteen  isagoo Khadka Telefoonka kula hadlay Tifaftiraha Idaacadda Somaliweyn, si uu Warbixin uga diyaariyo Dhacdooyinka Kulankii maanta ee Shirweynaha, oo lagu waday inuu si Live ah uga sii daayo Wararka 1-da duhurnimo ee Idaacadda Somaliweyn.

 

Weriye Maxamed Xasan Pakistan, waxa uu Tifafaraha Idaacadda Somaliweyn, Nuradin Abokor Axmed  “Diini-Yare”  ku soo wargeliyey inay gacanta ku dhigeen Ciiddamo ka tirsan NSS-ta, isla markaana ay ka qaadeen Waraaqihii Aqoonsiga ee Weriyenimo iyo Tii Shirweynaha, Telefoon-gacmeed uu watay iyo Rekoodhkii uu wax ku duubanayey, waxayna Ciiddamadda u sii gudbiyeen Saldhigga Boliska ee Bari “Orientale” oo aan ka yara fogeyn Madasha Shirweynaha ee Xaruntii Gaadiidka Boliska ee Degmadda C/casiis.

 

Abaarihii 11:45 daqiiqo, ayaa Agaasimaha Guud ee Idaacadda Somaliweyn, Md. C/raxmaan Maxamed Xasan “Xudeyfi” iyo Ku-xigeenkiisa Md. Saciid Ibraahim Xuseen “Buuna” ay si degdeg ah u tageen Saldhigga Boliska ee Bari, halkaasi oo ay kula kulmeen qaar ka mid ah Saraakiisha Saldhiggaasi, oo ay kala hadleen “Xarigga Weriye Pakistan”, waxayna u sheegeen inuu Weriyaha u xiran yahay Sarkaal ka tirsan Ciiddamadda NSS-ta.

 

Saraakiisha Saldhigga Boliska ee Bari, waxay si wanaagsan ula macaamiltameen Weriye Maxamed Pakistan, iyagoo aan ku xirin Xabsiga oo ay ku jiraan rag dembiyo kale lagu haysto.

 

Maamulka Idaacadda, waxay aad uga mahadceliyeen Saldhigga Bari qaabka ay ula dhaqmeen Weriyaha, oo xilligii ay Maamulka u tagayeen loo oggolaaday inuu Salaadda tukado, oo geed hoostiisa iska fariisto.

 

Maamulka Idaacadda, waxaa loo sheegay in baaritaan lagu sameeyey Weriyaha, balse, lagu waayey wax dembi ah oo uu galay, iyadoo la baaray Lambaradda Telefoon-gacmeedkiisa iyo Codadkii ku duubnaa Cajalladdii uu watay.

 

Intaa kadib, Maamulka Idaacadda, waxaa la siiyey Telefoonka Sarkaalka ka tirsan Ciiddanka NSS-ta ee amarka xariga bixiyey, oo lagu magacaabo G/dhexe Xasan Cali Maxamed “Xasan Dheere”, kaasi oo markii Telefoonka lagula xiriiray codsaday inay Maamulka Idaacadda ugu yimaadaan albaabka hore ee Xarunta Shirweynaha, Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia, waxaana Maamulka Idaacadda u suurto-gashay inay la kulmaan Sarkaalkaasi, oo ay kala hadleen Qaddiyadda Weriye Maxamed Xasan Pakistan.

 

Sarkaalka, waxa uu carrabka ku dhuftay inuu  Kiiska Weriyaha Somaliweyn u gudbiyey Madaxda ka sarreysa, isla markaana aan lWeriyaha a sii dayn doonin ilaa iyo beerito marka la dhameeyo baaritaanka lagu hayo.

 

Mar wax laga weydiiyey waxa ay yihiin eedeymaha loo haysto Weriye Pakistan, waxa uu sheegay inaysan Ciiddamaddii soo qabtay weli soo gudbinin Warbixin dhamaystiran.

 

Si kastaba ha ahaayee, Maamulka Sare ee Idaacadda Somaliweyn, waxay si wadajir ah uga codsanayaan Dowladda Federalka,  Madaxda Ciiddamadda Nabad-sugidda Soomaaliyeed, Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha, kuwa u dooda Xuquuqda Suxufiyiinta Caalamiga iyo Ururradda Bulshadda Rayidka inay gacan ka geystaan sidii  Weriye Maxamed  Xasan Maxamed “Pakistan” xorriyadiisa loogu soo celin lahaa.

 

Xarigga Weriye Maxamed Xasan Maxamed “Pakistan” ayaa waxa uu noqnayaa Weriyihii ugu horreeyey oo ay Ciiddamadda DFKMGS  soo qabtaan isagoo hawl-warfaafineed ka soo tebinaya  gudaha Madasha Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).