Isniin,
Yuusuf Daba-geed oo qudhiisa Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xilkaas loo magacaabay, isla markaana uu isagu haatan yahay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, isagoo carrabka ku dhuftay in uu dhawaan u baqooli doono Gobolkaas.
Yuusuf Daba-geed waxaa uu sheegay in uu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha gobolka, gaar ahaana uu xalin doono khilaafaadyo ka dhashay canshuuro laga qaado dadka gobolka, taasi oo uu si aan sax ahayn u maareyn jiray maamulkii hore, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Ilaa iyo haatan ma jirto faafin rasmi ah oo ka soo baxday Xafiisyada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, taasi oo sheegeysa in Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Daba-geed) mar kale loo magacaabay Guddoomiyenimada Gobolka Hiiraan.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Gobolka Hiiraan waxaa dhawaanahan Guddoomiye ka ahaa Xuseen Axmed Maalin, kaasi oo ay Dowladda Federaalka magacawday kadib markii ay gacan ku heynta deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay kala wareegtay maxkamadihii Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






