10 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Deeq Lacageed oo la gaarsiiyay Dadkii ugu mudnaa

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin,
July 23, 2007(HOL):  Gabdho Soomaaliyeed oo ku dhaqan Dalka Holland ayaa lacag dhan 1000$ waxay ugu deeqeen dad ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo ah kuwii ugu mudnaa oo wax loogu deeqo.

 

Lacagta ay gabdhahan soo dhiibeen ee Kunka Doollar ah ayaa waxaa loo qeybiyay Naafadda Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho iyo Labo Haween ah oo mid ay heysato Shan Gabdhood oo Indhoole ah iyo Canug Naafo ah, halka Haweeneyda kalena ay heysato Ilmo Agoon ah.

 

Ururka Badbaadinta Haweenka iyo Caruurta (S.S.W.C) oo ay Gabdhahaas Soomaaliyeed lacagta ku soo hagaajiyeen ayaa lacagtaas u qeybiyay Dadkaas u baahan, waxaana Naafada ku jirta Isbitaalka Martiini la guddoonsiiyay lacag dhan 500$, Haweeneyda heysata Ilmaha Agoonta ah ayaa iyadana la siiyay lacag dhan 300$, halka Haweeneyda kale ee heysata shanta Gabdhood ee Indhoolayaasha ahna la siiyay Lacag Dhan 200$.

 

Hinda Axmed Faarax oo ka mid ah Mas’uuliyiinta sare ee  Ururka S.S.W.C oo Deeqdan guddoonsiiyay Dadkaas ayaa sheegtay in ay dadkan deeqda la gaarsiiyay ahaayeen kuwii ugu mudnaa ee deeq la guddoonsiiyo oo weliba ay dalka gudahiisa dhibaato ku heysato, “Waa Dad naafo ah, Waa Hooyo heysata Caruur Agoomo ah, sidoo kale Waa Hooyo heysata Caruur Indho la’, marka waxaana iska cad oo ay cid kasta dareemi kartaa in dadkani ay yihiin kuwii ugu mudnaa in loo gurmado”ayay tiri Marwo Hinda Axmed Faarax.

 

Hinda Axmed Faarax oo mahadcelin u jeedisay Gabdhaha Soomaaliyeed ee Deeqdaas soo dhibay ayaa waxay ugu baaqday Dadka Soomaaliyeed dalka gudahiisa iyo Dibaddiisa ku dhaqan in ay kaalmeeyaan Dadka ku dhibaateysan gudaha Dalka, “Gabdhihii Deeqdan Lacageed soo dhiibay waxaan leeyahay haka caajisina u kaalmeynta dadkiina ee halkiina ka sii wada”ayayna mar kale tiri Hinda Axmed Faarax.

 

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Dibaddiisa ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu burburka ka dhacay dalka Soomaaliya, isla markaana ay dadku dhibtoodeen waxay sameeyeen gurmad lixaad leh, iyagoo mar kasta  Deeqo kala duwan u soo dira, waxaana la oran karaa waa dhaqaaq mudan in la dhiirigeliyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).