10 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Amnesty International oo Dowladda Federaalka, Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda baaq u jeedisay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, July 23, 2007(HOL): Hay’adda Amnesty International ee u ololeysa Xuquuqda Bani’aadamka ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda in ay xormeeyaan Xeerarka Bani’aadannimo ee Caalamiga ah iyo Xuquuqda Aadamiga.

 

“Waa in ay qaadaan Tallaabo kasta oo suurtagal ah oo lagu ilaalinayo Dadka rayidka ah iyo in aan si ula kac ah khatar loo gelin ama aan la sababin dhimasho iyo dhaawacyo iyadoo la qaadayo weerarro aan kala sooc lahayn”ayaa lagu yiri War ay soo saartay Hay’adda Amnesty, kaasi oo uu ku saxiixnaa Agaasimaha Barnaamijyada Afrika Mr.Erwin Van Der Borght.

 

Amnesty waxay ugu baaqday Dowladda Federaalka, Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda in aysan hor-istaagin kaalmooyinka la gaarsiinayo dadka u baahan, sidoo kalena aysan si sharci darro ah u xir-xirin dadka ama aysan kula kicin cadawtinimo iyo falalka ka baxsan Bani’aadannimada.

 

“Waxaa la rumeysan yahay in ay jiraan boqolaal dad ah oo si sir ah ugu xiran xukun iyo Maxkamad la’aan Muqdisho gudaheeda, kuwaasi oo lagu eedeynayo arrimo ka dhan ah Nabadgelyada. Xukun Mileteri oo qarsoodi ah oo aan caddaalad ahayn ayaa horseeday in si deg deg ah meel fagaare ah loogu toogto labo qofood 5tii July 2007, sidaas darteed Amnesty waxay ugu baaqeysaa Dowlada Federaalka Soomaaliya in ay sameyso dadaal kasta oo ay ku abuuri karto hannaan caddaaladeed oo hufan, isla markaana madax bannaan, kaasi oo haddii la helo wadada u xaaraya in xukunkii hore ee qoriga lagu bedelo ka dambeynta sharciga”ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Amnesty International.

 

Ugu dambeyntiina Amnesty International waxay ugu baaqday Xubnaha maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socda in ay dhegeystaan Dadka u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadamiga iyo weliba farriinta Beesha Caalamka ee ku aadan in aysan jireynin Nabad Waarta Xuquuqda Aadamiga la’aanteed.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).