10 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Qaraxyo iyo iska hor-imaadyo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, July 23, 2007(HOL):  Habeenkii xalay ahaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo xooggan iyo iska hor-imaadyo hubeysan oo socday qadar 5 daqiiqo ah, kuwaasi oo la sheegay in ay u dhaxeeyaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

 

Afar Qarax oo waa weyn ayaa xalay waxay ka dhaceen Isgoyska Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo fariisin u ah Ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo qarayadaas kadibna ay dhacday rasaas xooggan oo ay isku ridayeen Ciidamada Dowladda Federaalka ee qaraxa lala beegsaday iyo kooxihii soo weeraray.

 

Xiliga oo habeen ahaa iyo magaalada oo bandow ku jirta darteed ayaaney suurtagelin in la ogaado khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo gaaray labada dhinac ee is-rasaaseynta dhexmartay.

 

Qaraxyadii xalay ka dhacay Isgoyska Howl-Wadaag ayaa waxay daba-socdeen Qaraxyo dhowr ah oo shalay ka dhacay Wadada Warshadaha, gaar ahaana agagaaraha Baar Ubax, Warshaddii Caanaha iyo SOS, iyadoo qaraxyadaasina ay isugu jireen miino loo dhigay Baabuur ay wateen Ciidamada Itoobiya iyo weliba Bambo Gacmeedyo lagu tuuray Ciidamada Boolska Soomaaliyeed.

 

Qaraxyada lala beegsado Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa mar kasta waxay ka dhacaan Magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada weerarradaas loo geysanayo maalin kasta la sheego howlgallo hub uruurin iyo nabad-sugid isugu jira oo ay Muqdisho ka sameeyeen.

 

Dhanka kalena, Suuqa Bakaaraha oo mudo 18 maalmood ah aysan wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka jirin ayaa laga saaray Ciidamadii Mileteriga iyo kuwii Gobolka Banaadir ee maalmihii tegay ku sugnaa, iyadoo taasina ay keentay in ay Dadkii ganacsatada ahaa dib u bilaabaan howlahoodii ganacsiga.

 

Tallaabada Ciidamada looga saaray Suuqa Bakaaraha ayaa waxay timid kadib markii ay kulan isugu yimaadeen Guddiga Amniga Qaranka iyo Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo isla gartay in ganacsigii Suuqa dib loo bilaabo, isla markaana Ciidamada Mileteriga iyo kuwa Gobolka Banaadir laga saaro, iyadoo ganacsatadana la saaray waajib ah in ay la shaqeeyaan Ciidamada Booliska.

 

Suuqa Bakaaraha waxaa haatan ku harsan Ciidamo Boolis ah oo baaris iyo Amni sugid sameynaya, iyadoo ay is-kaashanayaan Guddi ay Ganacsatada Suuqa iska soo xuleen, kaasi oo Ciidamada u sahli doona in ay si dhib la’aan ah u baaraan goobaha ay uga shakiyaan in hub lagu qariyay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).