
Axad, July 22, 2007(HOL): Xaflad lagu xusayo maalinta xuquuqda Aadamiga Soomaaliyeed, aas-aaskii Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha iyo 17 guuradii ka soo wareegtay geeridii garyaqaan/halyeey Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble ayaa shalay lagu qabtay Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho, waxaana xuska munaasabadahaas isu tegay ka soo qeybgalay mas’uuliyiin aad u badan oo ay ka mid yihiin kuwa Ururrada Bulshada Rayidka, Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir, Suxufiyiin iyo marti sharaf kale.
Guddoonka Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale Marwo Maryan Xuseen Awreeye oo munaabasadda ka hadashay ayaa sheegtay in tan iyo markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya ay dalka Soomaaliyeed ka dhacday Khatar nabadgelyo la’aaneed oo sii baaheysa.
“Jidadka waxaa yaala calaamado dhiig ah oo laga daadiyay dad rayid ah oo aan waba galabsan, una eg kuwo sii socon doona, maadaama aan la isu dabagelin fal dembiyeedyada la geysto. Soomaaliya marka aad maqasho waxaad xusuusaneysaa dil, caruur la xasuuqo, dagaallo abaabulan, qaraxyo, faro-xumeyn dhac, barakicin iyo af-duub loo geysto dhamaan shacabka Soomaaliyeed qeybahiisa kala duwan iyo howl-wadaneenada Ururrada Samafalka caalamiga ah, intaas oo fal dembiyeedyo is-biirsaday ah ayaa isku duubkoodu ka dhigayaa Soomaaliya meel masiibada Xuquuqda Aadanaha ka taagan tahay”ayay tiir Marwo Maryan Xuseen Awreeye.
Maryan Awreeye waxaa kale oo ay sheegtay in shacabka Soomaaliyeed lagula kacay wax aan la qaadan karin oo aaney ogolaan karin maskaxda fiyow ee Qofka Bani’aadamka kadib markii bey tiri Heybaddii Qarannimo meel aad u hooseysa la dhigay oo ay Jabhado hubeysan nidaamkii Dowladeed ku bedeleen nidaam Qabiileysi ah oo laga dhaxlay dagaallo joogto ah oo maalin walba jawi cusub iyo dano gaar ah leh, “Taasi waxay ka marqaati kaceysaa in la galay dembiyo dagaal oo lid ku ah Xuquuqda Aadamiga”ayayna Maryan Awreeye hadalkeeda ku sii dartay.
In shacabka Soomaaliyeed , Dowladda KMG ah iyo Kooxaha ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda in ay ka shaqeeyaan horumarinta Nabadda iyo dhowrista Xuquuqda Aadanaha.
In Dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya ay khilaafaadkooda ku xaliyaan si nabad ah, iyagoo u turaya Shacabka, isla markaana fiirinaya duruufaha qalafsan ee ay ku nool yihiin.
Xaruntu waxay ka codsaneysaa Bulshada Caalamka in ay garab istaagaan, kaalmeeyaana Dadka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay ama ku barakacay nabad la’aanta ka jirta Soomaaliya. Xarunta waxaa kale oo ay ka codsaneysaa Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha in ay il-gaar ah ku hayaan Xadgudubyada baahsan ee ku dul-dhacaya Dadka Soomaaliyeed.
Intii ay socotay Xafladdii lagu maamuusayay maalinta xuquuqda Aadamiga Soomaaliyeed, aas-aaskii Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha iyo 17 guuradii ka soo wareegtay geeridii garyaqaan/halyeey Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble ayaa waxaa ka hadlay Dr. Salaad Jimcaale Cosoble, kaasi oo aqriyay Dhambaal hambalyo ah oo ay Hay’adda Amnestay International u soo dirtay Xarunta Dr. Ismaaciil.
“Waxaan u hambalyeyneynaa Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha in ay ku qabtaan munaasabaddan Muqdisho, iyagoo la kaashanaya Hay,’adda isku xirka Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha INXA, Ururro Bulsho kale iyo xubno u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadanaha, waxaana soo dhaweyneynaa munaasabaddan sanadlaha ah ee muhiimka ah oo marka laga soo tago dhibaatooyinka iyo khataraha jira isu keenta dad ka socda qeybaha kala duwan ee Bulshada, si ay u wadaagaan sida ay uga go’an tahay ka shaqeynta Xuquuqda Aadamiga”ayaa lagu yiri dhambaalka Hambalyada ah ee ay Amnesty u soo dirtay Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha.
Dhambaalka Amnesty oo uu ku saxiixnaa Erwin Van Der Borght oo ah Maamulka Barnaamijyada Afrika ayaa waxaa kale oo lagu yiri ”Sanadkii la soo dhaafay waxaa Soomaaliya ka jiray qalalaase siyaasadeed oo xoog leh sida dagaallo culus oo ka dhacay Muqdisho. Waxaa jiray xad-gudubyo baaxad leh oo loo geystay dadka Shacabka ah marar badanna dhacay, gaar ahaan Bilihii Maarso iyo April ee Sanadkan, markaasoo xeerarka Bani’aadannimo ee Caalamiga ah iyo Axdigii Geneva lagu xadgudbay marar kala duwan. Amnesty International waxay tacsi u direysaa Qoysas ka badan 1000 oo isugu jira Rag, Haween iyo Caruur lagu gumaaday duqeyn aan kala sooc lahayn iyo weerro madaafiic ah oo lagu qaaday goobaha Dadka Rayidka ah ay degan yihiin’.
Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasabaddii maanta mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Cabdi Wehliye Siyaad, Suudaan Cali Axmed, Dheere Shiikh Maxamed, Shariifo Caddow iyo xubno kale oo ka socday Bulshada qeybaheeda kala duwan.
Ugu dambeyntiina, Xaflado iyana lagu maamuusayo munsaabadahan is-biirsaday ayaa maanta waxay ka dhaceen magaalooyin ku yaala dalka Gudahiisa iyo Dibaddiisa, kuwaasi lagu xusuusanayo Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble oo si weyn ugu ololeyn jiray Xuquuqda Aadanaha, iyadoo sidoo kalena lagu maamuusayo Maalinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed iyo aas-aaska Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






