10 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Dallada COGWO oo ku baaqday in loo gurmado Waalidiinta Caruurtii ku dhaawacmay madaafiic ku dhacday Degmada Shibis

- Advertisement -spot_imgspot_img


Axad, July 22, 2007(HOL): Ku simaha Guddoomiyaha Dalladda Haweenka COGWO Marwo Shariif Caddow Cali ayaa ugu baaqday Shacabka Soomaaliyeed in loo gurmado Waalidiinta Caruurtii dhawaan ku dhaawacantay Madaafiic aan la garaneynin meesha ay ka yimaadeen oo ku dhacday Degmada Shibis.

 

Shariifo Caddow waxay sheegtay in Madaafiicdaas ay ku dhinteen Shan Caruur ah oo seddex ka mid ah ay walaalo ahaayeen, kuwaasi oo hal meel lagu aasay, “waxaan rabaa maadaama aan  taaganahay Maalinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed in aan fursaddaas uga faa’iideysto in aan sheego dhibaato dhawaan ka dhacday Degmada Shibis, halkaasi oo ay ku dhinteen caruur madaafiic ay ku dhaceen. waxaan tegay meeshii ay Caruurta ku dhinteen, caruurtaas seddex ka mid ah waxay ahaayeen walaalo, kuwaasi oo hooyadood ay ku maqneyd Suuqa Bakaaraha, markii la rabay in la aaso meydadkii caruurta ayaa waxaa la is-tusiyay in aan seddexda Caruurta ah la aasin iyadoo ay Hooyadood maqan tahay, isla markaana aan la dhihin Ilmahaagi Qabrigooda waa kaas, waxaana la aasay kadib markii ay timid” ayay tiri Shariifo Caddow oo sheegtay in Canug ka soo haray Caruurtaas oo dhaawac ahaa laga soo saaray Isbirtaalkii uu ku jiray, kadibna la yiri “Baxsada ama keena Hal Milyan oo Shillin Soomaali ah.

 

Shariifo Caddow waxaa ay sheegtay in aysan Qoyskaas heli karin Lacagtaas, isla markaana ay yihiin dad sabool ah, sidaas darteedna waxay ka codsatay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa wax heysta in ay Qoysaskaas dhibaatada soo gaartay ay u gurmadaan.

 

“Maanta waxaa la rabaa wixii damiir leh oo taagan in ay u gurmadaan Qoyskaas baaba’ay oo aan heli karin wax ay ku daryeelaan caruurta ka dhaawacan”ayay mar kale tiri Shariifo Caddow Cali.

 

Khamiistii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii madaafiic la sheegay in loola dan lahaa Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay ku dhaceen Caruur ku ciyaareysay Gurigooda oo ku yaala Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, iyadoo dhacdadaas ay si weyn uga xumaadeen Dadka Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).