Axad,
kulanka oo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen Saraakiil ka tirsan hogaanka Ciidamada Dowlada Federaalka ee ka howl-gala gudaha Gobalka ayeey Saraakiiisha Itoobiyaaku waxaa xooga ku saareen inta badan ka hadalka arimaha nabad-galyada iyo waliba waxa uga qabsoomay maamulka hadda ka jira gobalka sugada amaanka.
Col. Adisu oo ah madaxa hogaminaya Ciidamada Jooga duleedka Magaalada B/weyn ayaa ku sheegay arimaha ugu badan ee Ciidamada Itoobiyaaku u joogaan gudaha Gobalka Hiiraan in ay tahay oo kaliya la socoshada nabad-galyada, waxaana uu intaa ku daray in mutadii ay halkaa joogeen in ay la kulmeen dhibaatooyin qal-qal galinaya arimaha amaanka kuwaasoo dhamaantood aysan jirin wax talaabo ah oo laga qaaday.
sidoo kale Waxaa uu intaa ku daray Col. Adisu in ay jiraan cabasho ka soo baxeysa dhinaca shacabka oo ah in ciidamada maamulka ee jooga baraha koontarool ee ku teedsan watada dheer ee laamiga ah mar marka qaar kula kacaan dadka safarka arimo aan wanaagsaneyn, waxaana uu amar ku bixiyay in dhamaan la soo ururiyo ciidamada ku firirsan watada Laamiga ah.
Guddoomiye ku-xigeenka maamulka Degmada C/raxmaan Buriki oo ka hadlayay arimaha ay isla soo qaadeen maamulka iyo saraakiisha Itoobiya ayaa sheegay in ay u bad-nayeen Is-kaashi laga sameeyo dhinaca nabad-galyada, isaga oo intaa raabiyay in ay isku af-garteen iyaga iyo saraakiisha Itoobiya wax-yaabihii ay ka wada hadleen.
Laakiin marka laga soo tago hadalka Gudoomiye ku-xigeenka maamulka Degmada waxaa ay wararku sheegayaan in saraakiisha Itoobiya ku war-galiyeen dhinaca maamulka in wixii hadda ka danbeeya Ciidamada Itoobiyaanku wax kala qaban doonaan maamulka sidii amaanka wax looga qaban lahaa.
Maalmihii aynu soo dhaafnay ayeey Ciidamada Itoobiya ee ku kala sugan Gobalada Gal-gaduud iyo Hiiraan howl-gal ay ka sameeyeen jidka laamiga ee isku xira Gobalada dhaxe ku guuleysteen in ay ka qaataan Jid-gooyo dhowr ah oo si sharci daro ah u dhigteen kooxo u hubeysan taasoo muujineysa in Ciidamada Itoobiyaanku si toos ah u soo fara-galiyeen wax ka qabashada arimaha ka hor imanaya nabad-galyada guud.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






