8 C
London
Tuesday, November 11, 2025

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo rajo wanaagsan ka qaba in ay howlahooda ganacsi dib u bilaabaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, July 22, 2007(HOL): Ganacsatda Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka qaba in ay dib u bilowdaan howlahoodii ganacsi kadib 18 maalmood oo aysan suuqaas ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah.

 

Saakay ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha lagu arkayay Ganacsato fara badan oo u soo shaqo tegay goobahoodii ganacsiga, waxayna taasi suurtagashay kadib markii ay shalay kulan ku qaateen magaalada Muqdisho Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo Guddiga Ammaanka Qaranka, kuwaasi oo wada hadal dheer oo ay yeesheen kadib isku af-gartay in Ganacsiga Suuqa Bakaaraha dib loo furo.

 

Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) oo shirkaas ka qeybgalay ayaa sheegay in qodobada shirkooda ka soo baxday ay ka mid yihiin in jidadka Suuqa la furo, in Ciidamada Mileteriga iyo kuwa Gobolka Banaadir Suuqa laga saaro, in Ciidamada Booliska iyo Xubno ka socda Guddiga Ganacsatadana ay wada shaqeeyaan.

 

“Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Annaga ayaa wada shaqeyneyna, waxayna Ciidamada Booliska baarayaan meel kasta oo ay ku tuhmaan in uu hub ku jiro, marka ay taasi dhacdana waxaan rajeynayaa in ay dhamaan doonaan dhibaatooyinkii beryahan ka taagnaa Suuqa Bakaaraha”ayuu yiri Cali Dheere oo dhanka kalena la codsaday Kooxaha Bambooyinka ku tuura gudaha Suuqa Bakaaraha in ay u naxariistaan dadka masaakiinta ah ee ay noloshooda ku tiirsaneyd suuqaas oo shaqeeya.

 

Shirkan ay yeesheen Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo Guddiga Amniga Qaranka ayaa wuxuu yimid kadib markii ay soo korortay cabasho ka imaaneysay Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo ka cabanayay dhaqamo aan wanaagsaneyn oo ay kala kulmeen Ciidamo tiro badan oo Mileteri, Boolis iyo kuwa Gobolka Banaadir isugu jiray.

 

Intii ay xayirnaayeen howlaha ganacsiga Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa jiray ganacsato dhowr ah oo Suuqaas isaga guuray, kuwaasi oo u guuray Suuqyada Siinaay, Xamar-weyne iyo Suuq Bacaad, iyadoo taasina ay ganacsato badan walaac ka muujiyeen.

 

Ugu dambeyntiina, Dhawaqa ka soo yeeray Guddiga ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada ay Hantida u taalo Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo aan goobahooda ganacsiga furin muddo labo todobaad ka badan iyo weliba dadka nolol maalmeedkooda ka raadsan jiray Suuqaas.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).