
Axad,
Waxuu sidoo kale amaan usoo jeediyey cayaartoydii ka soo qeybgashey tartanka. Waxaa sidoo kale ka hadley Gudoomiyaha Euromsom mudane Maxamed Diini oo ka hadley taariiqda Urur weynaha Eurosom iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu sooo marey ururka Eurosom. Maxamed Diini ayaa ugu danbeyntii kusoo dhaweeyey gudoomaiyaha Gudoomiya guddiga olombikada Soomaaliyeed mudane Cabdulqaadir Gacal Abkow.
Mudane Abkow oo ey u-aheyd markii ugu horeysay oo uu kasoo qeybgalo furitaanka cayaarahan ayaa aad u amaanaey wax qabadka bahda isboortiga ee Yurub qaasatan qabanqaabiyaasha cayaarhan ee Eurosom. Abkow ayaa u-rajeeyey in cayaarahan ey ku dhamaadaan jawi wanaagsan kana soo baxaan dhalinyaro tayo leh isla markaana wax u qabto wadankooda.
Cayaartii ugu horeysay ayaa waxaa lagu furey kooxda Kanava ee
Dhinaca madadadaalada ayaa waxaa maanta garoonka diyaar ku ahaa fanaanka weyn ee Maxamed Xassan Xuseen (Lafoole) oo ah fanaan dhalinyarada aad u jecelyiiin dhawaantanna soo saari doono album cusub oo aad ka heli doontaan goobaha lagu iibiyo canjaladaha. Fanaanka Lafoole ayaa halkaa ka qaadey heeso cusub iyo kuwii horaba. Fanaanka ayaa sii joogi doono inta cayaaraha ay socdaan.
Waxaa dadkii kasoo qeyb galey ka mid ahaa Gudoomiyaha G.O.S mudane Abkow, Kuxigeenkiisa, Mudane Duraan, Bashiir Fox, Kabtan Ibraahim Shaah, Ibraahim Buruko, Maxamed Yaanyo Axmed Nuur (Guddoomiya Elman) Muriidi Seen, Pr Muuse Nasir, Gudoomiya ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed Salaad Xasan , Cabdi Caagane Omar , waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa laacibkii naadiga batroolka Keynadiid Abdi Daahir iyo dad badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa qaar badan oo ka tirsan saxaafada caan ka ah ee Soomaalida.








Waxaa noo soo diray Warbixintan
Madaxa warbaahinta Eurosom
Abdiaziz Godah
agodah@hotmail.com






