Sabti,
Kulankii maanta oo ay fadhiyeen Xildhibaano tiradoodu gaareyso 143 mudane ayaa waxaa la hor-geeyay labo mooshin oo kala ahaa la xisaabtanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo sixidda Howlaha Baarlamaanka.
Labadaas Mooshin ayaa markii la hor-geeyay Baarlamaanka wuxuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ka codsaday Mudanayaasha Baarlamaanka in ka doodista labadaas mooshin dib loo dhigo ilaa Isniinta soo socota, inta mudadaas laga gaarayana ay Xildhibaanada soo aqristaan qoraallada lagu qeexayo labadaas mooshin.
Kulankii maanta ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa looga hadlay Xildhibaano in muddo ah ka maqan Fadhiyada Baarlamaanka, kuwaasi oo muddo 14 maalmood ah loo qabtay in ay ku tagaan xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kalena, waxaa maanta lagu hor-dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka labo mudane oo cusub, kuwaasi oo la sheegay in lagu bedelay Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Col Cumar Xaashi Aadan, waxayna Xildhibaanadan cusub kala yihiin Cali Shariif Maxamed iyo Maxamed Dhaqane.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maaxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa dhawaan sheegay in uu dhamaaday xiligii uu dalka ku jiray xaaladda deg degta ah, isla markaana hadda wixii ka dambeeya ay bilaaban doonaan kulamadii uu lahaan jiray Baarlamaanka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






