Sabti,
Dowladda Mareykanka waxay ku sheegtay warsaxaafadeedka ay soo saartay in ay soo dhaweyneyso Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxayna dhinacyada isku haya Soomaaliya ugu baaqday in ay shirka ka qeybgalaan, isla markaana ay ka tashadaan aayaha dalkooda.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa loogu baaqay in ay ka dhabeyso ballanqaadkeedii ahaa in ay meel marineyso wixii ka soo baxa shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe ayaa markii uu furmayay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxay ballanqaadeen in wixii ay soo saaraan Ergooyinka Shirka ka qeybgelaya ay taageeri doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka ayay Dowladda Mareykanka ugu baaqday in ay abuuraan jawi ay dadka ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay shirka uga qeybgeli karaan, isla markaana ay codkooda uga dhiiban karaan, si shirka ay uga soo baxaan wax xal u noqda khilaafyada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.
Dhawaan ayay ahayd markii Ururka Midowga Yurub uu shaaca ka qaaday in uu si buuxda u taageersan yahay Shirka Beelaha Soomaaliyeed loogu qabanayo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Madaxweynaha xiligan ee Midowga Yurub oo ka soo jeeda dalka
“Midowga Yurub wuxuu mar kale ku celinayaa taageerada uu u hayo Shirweynaha Dib u heshiisiinta Qaranka ee Axaddii dhaweyd Muqdisho ka bilowday, sidoo kalena wuxuu taageerayaa dadaal kasta oo lagu soo celinayo nabaddii iyo xasiloonidii Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweynaha xiligan ee Midowga Yurub oo ugu baaqay qeybaha Soomaalida in ay ka tanaasulaan qaska iyo fowdada, isla markaana ay si wax dhisid ah uga qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






