Sabti,
Daniel Maldonado oo 28 jir ah ayaa la arkayey isagoo gacmaha iyo dhexda ka katiinadeysan markii uu xukumay qaadi Mareykan ah oo la yiraahdo Gray Miller.
Maldonado ayaa mar sii horeysay waxa uu qirtay inuu tababar ka helay waxa Mareykanka ay ugu yeeraan argagixiso shisheeye.
Waxaa uu sheegay inuu u socdaalay Soomaaliyaa sanadkii hore oo uu tababar ka soo helay maxaakiimtii Islaamiga oo iyagu doonayey inuu afgembiyaan dowlada KMG, isagoo sidoo kale gacan ka helay xubno ka tirsan Al-Qaacida. Maldonado waxaa lagu qabtay dalka
Waxaa markaas kadib loo gacan geliyey saraakiil Mareykan ah oo ku soo celiyey magaalada
Qareenkii u doodayey Maldonado oo la yiraahdo Brent Newton ayaa codsaday in la yareeyo xukunka isaoo sheegay in Maldonado uu nin diinta Islaamka baranayey laakiin markii dambe la ogaaday inuu tababar la qaadanayey Al-Qaacida.
Kaaliyaha xeer ilaaliyaha Mareykanka Gary Cobe ayaa sheegay in kiiskan uu dirayo fariin ah in dadka aysan ku lug yeelan argagixiso ama ayan tababar la qaadan argagixisada.
Maldonado, oo ku soo barbaaray magaalada New Hampshire, soona galay diinta Islaamka dhowaan, ayaa waxa uu la oo safray xaaskiisa iyo saddex caruur ah oo uu dhalay iyagoo ka tagay Houston soo aaday dalka Masar sanadkii 2005, ka dib waxa uu deetana soo aaday dalka Soomaaliya sanadkii 2006-dii.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






